Masuuliyiin Miisan Culus Ku Leh Somaliland Iyo Gobolka Sool Muddana Ka Maqnaa Dalka Oo Maanta Qado Soo Dhawayna Ah Loogu Sameeyay Magaalada Hargeisa; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Miisan Culus Ku Leh Somaliland Iyo Gobolka Sool Muddana Ka Maqnaa Dalka Oo Maanta Qado Soo Dhawayna Ah Loogu Sameeyay Magaalada Hargeisa;
December 23, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Kulan qado-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayey mujaahidiin hore uga tirsanaan jirtay saraakiishii SNM iyo bud-dhigii aasaaska Qaranimada Somaliland, ayaa lagu qabtay Huteel Dalxiis ee magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo kulmiyey mas’uuliyiin xilal sarsare ka haya xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Gollaha Wakiiladdda, Garaado iyo Aqoonyahan ka soo jeeda beesha Dhulbahante, ayaa maamuus qado-sharaf si weyn ugu soo dhaweeyey saddex mas’uul iyo xubno kale oo muddo dheer dalka ka maqnaa.

DHULMAHANTE 1

Mas’uuliyiinta qado sharafta lagu maamuusay ayaa kala ahaa;

Wasiirkii hore xannaanada Xoolaha Baashe Cali Jaamac

General Maxamuud Jaamac (Shoodhe Boodhe)

Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali Caateeye

Kulankan oo ay ka oo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada

Gudoomiyekuxigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Fu’aad Aadan Cade,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane) iyo Garaad Maxamuud Garaad Maxamed iyo Garaad Maxamed Garaad Saleebaan

Haddaba, kullankan oo uu soo qabanqaabiyey Cali Baashe oo ka mid ah haldoorka Beesha, ayaa ugu horreeyey furitaankii kulan-maamuuska, waxaanu yidhi; “Kulankan ujeedadiisu waa soo dhaweyn nimankaa odayaasha lagu soo dhaweynayo magaaladda Hargeysa, waxaanan si weyn idiinka mahad celinayaa sida aad uga soo ajiibteen dalabkayaga , ujeedada qadadu wax kale kuma saabsana, ee waxa weeyi fariintayduna tahay in dhulmahante intii halkan joogtaa ay midoobaan si ay kuwa kalena idiinku daydaan oo ay idiin soo raacaan degaankiina aad wax ugu qabataan, sidaa daraadeed kaliya waxaan ku darayaa hal kalmad, koley haddii la isu yimaado waxbaa la kala faa’idaystaa, waxbaa la kala ogaadaa, markaa mar haddii inteenan oo dhan aynu isu nimi reerkii iyo dhulkii aynu deganayn waxa loo baahan yahay laba arrimood oo muhhiim ah in la iska war hayo, la midoobo, deegaankii iyo halkana ay iska war hayaan la iskuna xidhnaado, haddii Alle bi’idankeeda leeyahay odayaasha halkan ku sugan ay casuumadan oo kale sameeyaan si la isku wareysto, anigu maanta wasiiradda maan casuumin, Cabdirisaaq oo ah Wasiirks Warshadaha waa nin saaxiibkay ah, markaan magaaladda imaad iga war haya, anigu maanta maan casuumin, laakiin markii uu maqlay haldoorkii reerka ayaa isu yimi, ayuu ka soo qaybgalay, anigu maanta buuqii iyo qayladii waan ka baxay waxaygu waa tallo uun, waxaan leeyahay sidaasaa la yeeli jiray ee sidaa yeela, waxaanan hadalkayga ku soo gebogebaynayaa midnimadda ha la oggaado” ayuu yidhi Cali Baashe.

Sidoo kale, waxa goobta hadal ka jeediyey General Maxamuud Jaamac (Shoodhe Boodhe) oo kamid ahaa masuliyiinta lasoo dhaweeyay oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa yidhi; “Aad iyo aadbaan idiin salaamayaa, dadka halkan fadhiya, waa kuwo aanu Hargeyse ahaan isu garanayno iyo in aanu si kale isu garanayno, balse badankooda waanu is wada garanaynaa, awalan waxaan doonayaa inaan in yar idiin sheego odayaasha magaaladda Hargeysa ka mid ayaan ahaanjiray gabadh Dhulbahante oo aanan bixina way yartahay oo aniga ayaa bixin jiray aadbaynu halka ugu yareyn oo in ka badan intiina halkan joogta ma le’ekayn intii aanu Hargeysa ku joognay, laakiin waxaad moodaa in aanu si weyn isugu xidhnayn oo dadka yar ay ka barako badnaayeen dadka badan, anigu mid kaliya ayuunbaan idin odhanayaa siday qadadan u midaysan tahay tolnimadiinuna ha u midaysnaato” ayuu yidhi Garaalku

Halka Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali Caateeye, ayaa isaguna sheegay in isku xidhnaanta beeshu ay tahay ta u muhiimsan, wuxuuna yidhi; “Horta wuu mahadsan yahay ninka qadadan inoo sameeyey, markaa anigu waxaan ku dari lahaa kalmad, waxa weeyaan horta tan maalintaad baxdeen waa la is wada haystaa dalka oo dhan waxbaa ka socda ee horta Ilaahay ha inaga badbaadiyo iyo in laga shaqeeyo sidii la isugu duubnaan lahaa, waxana jirta iska warhayn la’aan baahan oo aanay cidna cida kale ka warqabin” ayuu yidhi Caateeye.

Dhinaca kale, Baashe Maxamuud Jaamac oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Xannaanada Xoolaha ee xukuumaddii Cigaal, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, iyadoo uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta qado sharafta lagu maamuusay soo dhaweyntooda, wuxuuna yidhi; “Dadweynaha sharafta leh ee halkan isugu yimi aadbaan u salaamayaa, kolay anigu waxaan ahaa qolooyinkii u horreeyey ee Hargeysa hawlaha ka bilaabay, kolay in la i wado garan uma malaynayo aadbaanan ugu mahadnaqayaa Cali Baashe oo suurtogeliyey imaatinka maanta halkan aynu isugu nimi ilaa madaxdii u sarreysay ilaa Xildhibaanadii leh, Garaadadii leh , markaa anigu waxaan ku tallinayaa waxaad midnimo ku waydaan, waxaan u malaynayaa in aynu ku helayn tafaraaruq ee midnimadda oggaada, dee sidii halkan ka dhacdayna dee waa la wada oggaa oo anigu waxaan deegaankeenii muddooyinkii dambe ahaa mucaarad, dee taayadiina socon wayday markaa anigu waxaan idin odhan lahaa, haddaad midowdaan waxna waa laga jari karaa dadkuna waa idinku soo hirran lahaa mid dalka jooga iyo mid dibda joogaba karaa, , markaa haddii la iska daba yimaado oo aanay waxba ka ahayn dee waa la iska daba iman karaa, inkastoo qolooyinka halkan joogta la yidhaa iyaga uunbaa isku filaysiiya” ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac.

Ugu dambayn, waxa gebagebadii xafladda qado-sharafta soo dhaweynta ah soo gunaanaday Geraadka Beesha Dulbahante Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo si weyn ugu mahadnaqay qabanqaabada Cali Baashe iyo in uu meel kaliya isugu keeno haldoorkii reerka, wuxuuna sheegay inuu mutaystay shahaado sharaf, iyadoo Garaadku ugu dambayntiina hormoodkii goobta isugu yimi u jeediyey dardaaran ah in dadku danno shakhsi isu qaban karaan, balse muhiimadu tahay in danta guud laga midoobo.

Haddaba, miisaanka Mas’uuliyiintan culculus ee magaaladda Hargeysa lagu soo dhaweeyey, ayaa u muuqata mid beelaha ka soo jeeda Bariga Somaliland ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan xukuumadda, taasoo si weyn looga dhur-sugayo sida Xukuumadda talladda haysa ay u dajin lahayd qorshe ay ugu tallo gasho siday u kasban lahayd, isla markaana talladda dalka uga qaybgelin lahayd hormoodka beesha Dhulbahante ee ay ka go’an tahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen.

COMMENTS
LINKS