Marka Aad Aragto Xaalada Musuqmaasuq Ee Gabiley Ka Jirta Ayaad Rumaysaneysaa In Aanu Madaxweyne Silaanyo Dalka Ka Talinin.;Xildhibaan Iid Xasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marka Aad Aragto Xaalada Musuqmaasuq Ee Gabiley Ka Jirta Ayaad Rumaysaneysaa In Aanu Madaxweyne Silaanyo Dalka Ka Talinin.;Xildhibaan Iid Xasan
December 13, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews); Xildhibaan Iid Xasan Oo kamida xildhibaanada golaha deganka gabiley ayaa qoraal kooban oo u warbahinta soo gaadhsiiyay aad ugu falan qeeyay xatooyada ba,an ee ka jirta maamulka dawlada hoose ee gabiley wuxuna u dhignaa sidan;

xildhibaan iid xasan

Maanta ayaa shaqaalaha dowlada hoose ee gabiley   loo soo amaahday mushaharkii laba biloood ee 10aad iyo 11aad baanka ayaa lacagtaas laga soo amaaah day ……… Marka aad aragto xalada musuqmaasuq ee gabiley ka jirta   ayaad rumaysaneysaaa in aanu madaxweyne siraaanyo dalka ka war hayn ama isagu aanu talinin.   WAAYO .waa la garanayaa dakhliga gabiley soo gala iyo cida isticmaasha markaa cidaaasina ma ogala in hanti dhowr ku qabqabto   cida ku tagri fashay xoolaha umada ….waxa hadaba is weydiiin leh   waaa ayo cida is hortaagtay waarankii qabashada ee hanti dhowr ku dalbaday yaa jooojiyey ? waa cidii waxan sameysay ee imika lagu xanto inay dalka taladiisu inta badan gacanta ugu jirto waa AYO … mida kale waan soo dhaweynayaa in wax la qabto waa wixii naloo doortay waan soo dhaweynayaa …. waxa wadanka lagaga shaqeeyaa waa\a been cad ..waxan maanta casarkii tvga ka daa waday   afar xildhibaan iyo dadkale inta la isku soo daray in lagu sheegay aqlabiydii golaha deegaanka gabiley .Waa Su aale goorma yaa loo sheegayaa beeenta intaas leeg …. waa silaaanyo. .. nin aqooonyahanka gabiley ka mida ayaa shalay iyo doraad ka hadlay in maayirku kalidii shaqeeyo golihii deegaankana meesha laga saaray isaga oo ku shaqeynayo awoooda wasiirka meesha keensaday ee maaliyada ….. Dabadeeedna isaga oo ka jawaabaya hadalkii Aqoonyahanka ayuu maanta dad inta uu soo ururiyey la yidhi waa aqlabiydii golaha deegaanka oo wada shaqeyn sa …..mida kale waxa loo baahan yahay labadan wado ee lagu difaacayo hadalkii maxamuto …. kumay jirin miisaaniyadii 2014 tii 2015ka na wali xageedaba looma kicin . Xagee laga bixinayaa lacagtooda inlayn waatan oo mushaharkii shaqaalaha waa la soo amaahdee ….. WAXAN LEEYAHAY DADKA REER GABILEY WAA DAD WADA AQOONYAHAN AH OO LAMA QALDI KARO … waligeed gabiley kama ay dhicin musuqmaasuq maaanta ka dhacay…. waa dowlada hoose ilaa madaxtooyada ayaa kow ka ah waayo waxa markhaati inoogu filan   sida   looga joojiyo hanti dhowr ka   cidna kama qarsooon a xalada musuqmaasuq ee gabiley heerka ay mareyso   reer gabileyna dowladu xal u helimayso inta hantidooda lagu hor baabiinayo ama cidkale hargeysa loogu geeyo ….ayuu yidhi xildhibaan Iid xasan

bilahi towfiiiq

COMMENTS
LINKS