|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Wadanka Jabuuti .
December 20, 2014 - Written by Editor:Jabuuti -(Wajaalenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, iyada oo ay garoonka Diyaaraha ku soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Dawlada Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo hogaaminaaya Xubno ka mida Dawlada Jabuuti oo u badan wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxa kale oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Xirsi qalinle . Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Dawlada Jabuuti kala kulmay soo dhawayn aad u qiimo badan ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Jabuuti oo ku sugnaa Madaarka Jabuuti ee Caalamiga ah, iyada oo Madaxweynaha loo gelbiyey dhinaca Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo boqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, boqoshadaasi oo ahayd is xaal waraysi ay labada madaxweyne kulan saacad ku dhawaad ah wada yeesheen. Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhacaan kulamo iyo martiqaadyo dhawr ahi oo madaxweynuhu la yeelan doono madax kala duwan kuwaasi oo aanu idin soo tebin doono insha allaa Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaaya Safarka
Daawo Sawiro .Related posts:DAAWO;-Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa Iyo Masuuliyiin Ka Qayb... Guddoomiyihii hore ee Degmada Faraweyne oo xilka ku wareejiyey Madal Wax-qabadkiisa looga Markhaati-... Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Markale Colaadaha Ka Socda Dalkiisa Ku Eedeeyay Wadamo Shisheeye. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|