|
|||||
WAJAALE NEWS
Maanta Geesi Baa Baxay: Hoggaamiyihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland
December 29, 2014 - Written by Editor:Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi. Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera. Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo manta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo. Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan. Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa. Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.) Waxay tidhi. “ Ifku geeddi weeyaan Gabal-dhiciyo waaberi Laga guurayaayoo Adoomaha ku guud nool Qofba galab ka hoydee Allaylehe nin gob ah iyo Halyay garasho dheer iyo Muumin ruuxa gool-moon U gargaari jirayoo Ka weynaa gankiisiyo Maanta Geesibaa baxay Garabkayga taagnaa Gacmo-madhan Alahayow Adaan kuu goglanayaa Naxariis gu weyn iyo Raxmaddaada aan gudhin Godolkeeda siiyoo Qabrigiyo ku guulee Godka aakhiruu tagay.
Nin Garaad wacnaayoo Guddi jiray abaalkoo Gali jiray markiisiyo Hanad- lagu goblamay iyo Maanta geesi baa baxay Garabkayga taagnaa Gacmo madhan Allahayow Adaan kuu goglanayaa Naxariis gu weyn iyo Raxmaddaada aan gudhin Godolkeeda siiyoo Qabrigiyo ku guulee Godka aakhiruu tagay.
Gurmad nin u ahaan jiray Birma gaydadiisiyo Mahuraanka gaabshoo Qofka dhibi ay gaadhaba U gargaari jiray iyo Maanta geesi baa baxay Garabkayga taagnaa.
Qalinkii; Mustafe Sh. Cumar
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|