Lacagta Somaliland Oo foojari Ahaan La Doonayo In Muqdisho Loogu Soo Daabaco; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lacagta Somaliland Oo foojari Ahaan La Doonayo In Muqdisho Loogu Soo Daabaco;
December 19, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho, December 19, 2014 (Wajaale-News) SIda ay warar xog-ogaal ahi u sheegeen Wajaale News, lacagta shillinka SOmaliland ayaa si sharci darro ah loogu soo daabacayaa magaalada Muqdisho, isla markaana la doonayaa in la soo geliyo suuqyada SOmaliland.

lacagta-somaliland

sida ay wararku sheegeen arrintani waxay ka dambaysay ka dib markii la ogaaday in lacagta ugu badan ee madaarka magaalada Muqdisho lagu kala sariftaa ay tahay shillinka SOmaliland oo ay soo sariftaan dadka u soo safraya SOmaliland.

sida ay wararku sheegeen waxa qorshahan wadda kooxo ganacsato, saraakiil dawladeed iyo weliba maafiya iskugu jirta oo doonaysa in lacagta ay soo daabacaan ku bedeshaan lacag dollar ah.

waxaanay wararku sheegeen in noodhadhka Shanta Kun, KUnka iyo weliba shanta boqol ee SOmaliland la doonayo in la soo daabacdo.

waxyaabaha dhiirigeliyay waxa ka mid ah ayay wararku sheegeen dadka reer SOmaliland oo aan u fiirsan qaabka ay lacagaha u isticmaalaan, gaar ahaana sida deg deg ah ee ay u aqbalaan lacagaha bilaa damaanadda ah ee ay ka mid yihiin lacagaha mobile-ka gacanta la iskugu diro iyada oo aanay jirin wax damaanad ah oo uu baanka SOmaliland ka hayo shirkadaha ku shaqeeya lacagta electorika ah.

ugu dambayn waxay wararku sheegeen in qaabka ugu haboon ee loo soo gelin karo lacagahani Somaliland ay tahay ka mid yihiin in madaaradda lagu soo sarifo, iyo in qaab cargo ahaan loo soo geliyo iyo weliba in gobolada bariga la soo geliyo.

 

 

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS