|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba Kamid Ah Hablaha Somaaliyeed Ee Haysta Dhalashada Dalka Australia Oo Ku Biiray Kooxda Daacish
December 14, 2014 - Written by Editor:Mousil(Wajaalenews)-Sida ay shaacisay warbaahinta dalka Australia, Hablo soomaaliyeed oo haystay Dhalashada waddanka Australia, ayaa si rasmi ah ugu biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Syria. Mid kamid ah Wargeysyada dalkaasi ayaa sheegay in gabdhahaasi ay ka tageen magaalada Sydney ee dalka Australia ayna ku biireen kooxda Daacish, si ay kaga barbar dagaalamaan kooxdaasi. Da’da labada gabdhood ayaa lagu kala sheegay 18 ilaa 25 sano jir, waxayna qeyb ka noqonayaan gabdho Soomaaliyeed oo ku biiray Daacish (ISIS) oo halgan ugu jirta sidii ay u heli lahaayeen Da’yar kasoo jeedda dalalka Horumaray. Wariye ku sugan magaalada Sydney ayaa u sheegay Idaacadaha in dadkaasi ay ka mid noqdeen dhalinyaro Soomaaliyeed ee ka tagay dalkaasi, kuwaasi oo ku biiray Islaamiga ee ISIS. Hore ayaa gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo ka tegay dalalka galbeedka waxey ugu biiraan dowladda ISlaamiga ah ee uu hogaamiyo Abubakar Al-baqdaad
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|