|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafyo Is-huwan Oo Ka Taagan Iskaraabka Wershada Sibidhka Berbera Iyo Dhulka Uu Ku Yaalo Qabriga Marxuum Cigaal Oo Qarka U Saaran In kacdoono Ka Dhashaan
December 16, 2014 - Written by Editor:Berbera(Wajaalenews) Ilo wareedyo mihiim ah ayaa sheegay in ay magaaladda Berbera ka jiraan dhaqdhaqaaqyo is bar bar socda oo ka dhashay Iskaraabka Wershada Sibidhka Berbera iyo dhulka uu ku yaalo Qabriga Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxmed X Ibraahim Cigaal, kuwaas oo la sheegayo midna inay dawladda Hoose ka qorshaynayso wadooyin iyo baloodho, halka Dawladda Dhexena ay Iskaraabka bixisay. Labadan arrimood ayaa la sheegaya ta Iskaraabka in uu ka taagan yahay khilaaf abuuri kara xaalad gacan ka hadal ku dhaw, waxaanay wararka ka soo baxayaa sheegayaan in laga dareemayo buuraha ku teedsan Wershada Sibidhka Berbera dhaqdhaqaaq Maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo la sheegayo inay wacad ku mareen inaan la qaadi Karin Biraha.
Lama oga Maleeshiyada la sheegayo inay buurahaas u gashay khilaafka ka taagan Iskaraabka ay Xukuumaddu bixisay, hase yeeshee sida ay Iftiiminayaan Xogaha aanu ka helayno Berbera waxay ka soo jeedaan Beesha degta deegaanka ay Wershadu ku taalo, kuwaas oo dhawr jeer oo hore ku baaqay inaan la taaban Biraha Wershada Sibidhka Berbera.
Arrinta kale ee Dhulka ayaa iyana lagu soo waramayaa in Qoyskii Marxuum Cigaal oo leh dhulka ay ku aasan yihiin X Ibraahim Cigaal iyo Madaxweynihii Somaliland Maxamed X Ibraahim Cigaal in Dawladda Hoose ay la damacsantahay inay ka saarto wadooyin isla markaana ay baloodhayso qaybo ka mid ah Dhulkaasi, kuwaas oo aan waxba laga weydiin Qoyska leh.
Qorshaha Dawladda Hoose ee maalmahanba taagnaa ayaa la sheegayaa in ay is hortaageen dadka Reer Berbera iyo Qoyska ay ka soo jeedaan Marxmuum Cigaal, waxaanay ilo wareedyadii u danbeeyey sheegayaan inay Xukuumaddu hakisay Qorshaha Dawladda Hoose.
Si kasta ha ahaatee labadan arrimood ayaa u muuqda kuwo xaasaasiyad hor leh ka abuuri kara magaalo xeebeeda Berbera, taasoo ay ka dhaceen iska hor imaadyo kala duwan oo la xidhiidha Khayraadka ku duugan oo ay dadweynuhu saluugsan yihiin qaabka ay Xukuumaddu u maamusho mar kasta.
Xukuumadda iyo Dadweynaha Reer Berbera ayaa hore isugu seegay Buuraha Sibidhku ceegaagaan ee Buuralayda ku xeeran Wershada Sibidhka iyadoo xukuumadduna ay siisay ganacsato Related posts:Daawo:Tartankii Quraanka Kariimka ee Uu Maalgalinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Bilaab... Raysal Wasaarada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay In Diyaarada Ethiopain Airlines Joojisay Duulimadyadii Ay ... Daawo:Munasibad Lagu Soo Bandhigayay Qalabkii Iyo Gaadiidkii Dhismaha Jidka Alleybadey iyo Arabsiyo COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|