Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ganafka Ku-dhuftay Shir Maalinta Berri La Qaban doono Oo Xubno Ururka Kamid Ahi Iclaamiyeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ganafka Ku-dhuftay Shir Maalinta Berri La Qaban doono Oo Xubno Ururka Kamid Ahi Iclaamiyeen
December 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Hoggaanka Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inaanay waxba kala soconin shir xubno ururka kamid ahi iclaamiyeen in Maalinta Berri ah la qaban doono.

Xubnahan oo saxaafada la Hadlay, ayaa iclaamiyey in shirkaasi yahay mid xaaraan ah, isla-markaana ay gacmo kale ku jiraan oo laga leexiyey waddadiisii iyo dariiqii sharci ee loogu talo galay inuu raaco.

xubnaha-solja

Maxamedrashiid Muxumed Faarax, Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA oo Ugu horrayn Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo Xubno kale oo xukuumadda ka tirsani ay shaqadii ururka la wareegeen, isagoo soo Bandhigay Waraaqihii lagu muddeeyey shirweynaha ururka, “ halkan waxanu doonaynayaa inaanu kala hadalno Saddex kamid ah Xubnihii Qabanqaabada shirka Solja ee aanu kala dirnay iyo Guddoomiyaha oo la sheegay inuu la socdo, waxanu caddaynaynaa inuu shirkaasi yahay mid xaaraan ah, halkana waxanu ku Haynaa Go’aankii Guddida Fulinta ee Urururku aanu dib ugu dhignay shirkaas wax dambe oo Guddida Fulintu ka shirtayna aanay jirin, shikaasna ay gacanta kula jiraan Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka arrimaha Somalia ka shaqeeya ee SONSAF.”ayuu yidhi Maxamedrashiid.

Xoghaye Cabdirashiid oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Dallada Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, ay safka hore kaga jirto burburinta iyo Dibin-daabyada lagu hayo Ururka, waxana uu si cad u sheegay in natiijo kasta oo Shirkaas Berri la iclaamiyey kasoo Baxdaa tahay xaaraan iyo wax aanu ururka sinaba u aqbali doonin, waxana uu yidhi,

“Waxan u malaynayaa inay arrintani ku jirtey Wada-hadalladii Somalia iyo Somaliland oo la yidhi Xorriyadul qowlka iyo madax bannaanida somaliland hallagu soo afjaro, waxan lasii doortay Guddi hoggaan isasii doortay oo isasii qaybiyey oo saxaafadda madaxa Bannaani aanay ku jirin oo la doonayo berri wargeyska ama TV-ga la xidho in Ururka SOLJA yidhaahdo tv-gaasi khalad Buu sameeyey dawladdana wuu Aflegaadeeeye, Markaa waxan leeyahay Shirkaas waxanu ka Ognahay ma jiro wixii kasoo Baxaana waa Xaaraan, sidii ururrada kale iyo dadka Xorriyatul qowlka u hadla loo xidhay baa tanna loo xidhayaa, furahana RRU-da loogu wareejinayaa.”

Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa Meel adag iska taagay Shirka Berri la iclaamiyey oo la doonayo inay Solja qabsato, waxana uu tilmaamay In si cad loo baal maray dhammaanba sharciyaddii iyo kala dambayntii Ururkaas, isla-markaana aan wali la gaadhin muddadii Guddida Fulinta ee ururku u muddeeyeen in shirweynaha la qabto,

“Shirku wuxu ku muddaysnaa Go’aan Guddi Guddoomiyuhuna Saxeexay, Guddidii Qabanqaabada ee qayb kamid ahi imika Shirkan iclaamisay waxa lagu kala diray Go’aan Guddi Guddoomiyuhuna saxeexay, sidaas si lamid ah ayaa lagu muddeeyey Qabsoomidda Shirweynaha Ururka Go’aan Guddi fulineed Guddoomiyuhuna saxeexay.”ayuu Yidhi Maxamed Curad.

 

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu carrabka ku ballaadhiyey Meelaha laga shidayo Dabka ku baxaya Ururuka Solja, waxana uu Saxafiyiintii iyo dadka kale ee Arrimaha Xorriyatul qowlka ku Hawllanba u sheegay in Shaqadii iyo Sharciyaddii ururkaas xukuumaddu si awood ah kula wareegtay, waxana uu yidhi,

 

“Waxa soo Noqnoqnaysay Khilaaf Ururka Solja Xukuumaddu ka dhex waddo iyadoo Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee loogu talo galay meelaha aan Dawladuhu ka jirin oo ururka Sonsaf la yidhaahdaa ka mid yahay, ayaa daraf ka ahaa, Maareeyaha TV-ga qaranka ayaa daraf ka ahaa, Wasiirka warfaafinta ayaa daraf ka ah, waxana aanu umadda u sheegaynaa iyo dadkii Saxafiyiinta ahaa ee nasoo doortay in ururkii SOLJA ee suxufiyiinta somaliland lahaayeen xukuumaddu burburisay, lanala wareegay, xubnaha hoggaanka Ururka noqon doonana lagu saami qaybsanayey Wasaaradda Warfaafinta somaliland.”

 

Wariye Aadan Cabdi Ciidle oo kamid ahaa Guddidii Qabanqaabada shirweynaha Shanaad ee Ururka SOLJA, isla-markaana xilkaas dhawaan iska casilay oo Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in Arrintu cid gaar ah u afduuban tahay, waxana uu caddeeyey in isaga iyo Xubnaha ku jirey Guddida Qabanqaabada aan intooda Badan waxba lagala socodsiinin Shirweynha la sheegay in la qabanayo, isagoo caddeeyey in SOLJA si toos ah loogu riday Gacanta Dawladda oo in badan lala doonayey,

“Hawshu ilaa afar bilood waxay u socotay qaab afduub ah, maalintii ugu horraysay ee inaanu is doorano oo hawshii aanu hab daacad ah ugalnoba, iyaga ayaa boobay Hoggaankii, Guddoomiyihii iyo Guddidii Solja waxay soo saareenn Go’aan inay bisha February ay Qabanayaan Shirweynihii, Guddidii qabanqaabada haddii aanu nahay sidii aanu u sugaynay in lanala soo xidhiidho, isla-markaana Hawshii aanu Galno xilligeedii, hoggaankii yimaaddo, lana casuumo xubnihii Gobolada, ayaa dhawaan Websaytyada lasoo geliyey in Shirweynihii la qabanyo oo ay qabanayso Guddidii qabanqaabadu, Guddida qabanqaabada ah ee qabanaysaa waa Guddidii anaga nala awoodda ahayd ee aan xubinta ka ahaa oo saddex inan oo waxay ogyihiin iyagu wataa ay yaacayaan cidina ay ka dambayso, waxana aanu sidaas Hoggaanku sheegay aan cidi nagala soo tashan, waxana aanu u sheegaynaa in cidkastoo itaal daran halkii looga Hiilinayey oo Solja ahayd in maanta xukuumaddii ay Albaabada ulaabtay, Haddii aanu xubnahaas nahayna waxanu caddaynaynaa inaan Hawshaas waxba nalaga socodsiin bilowgeedii ilaa dhamaadkii.” Ayuu yidhi Aadan Cabdi Ciidle.

Najax Aadan Cunaaye oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii Guddida qabanqaabada, balse muran iyo Jaafaa jiriq badan kadib xilkaas iska casilay, ayaa isaguna sheegay in taladii ururku martay meel aan ehel u ahayn, isla-markaana xubno dano gaar ah leh oo ku faraxsan Tacaddiga Saxaafaddu Walaaqanayaan.

COMMENTS
LINKS