Hoggaanka CIA-da Maraykanka Oo Ka Galgashay Faxeexado Bani’aadanimada Ka Baxsan Oo Hay’adiisa Dulhoganaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka CIA-da Maraykanka Oo Ka Galgashay Faxeexado Bani’aadanimada Ka Baxsan Oo Hay’adiisa Dulhoganaysa
December 12, 2014 - Written by Editor:

Washington:(Wajaalenews)-Agaasimaha Hay’dda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da oo lagu magacaabo John Brennan, ayaa si adag uga jawaabay Eedo iyo Dhaleecayn dhawaan yimi Golaha Senate-ka iyo Waliba Tiro Waddamo ah oo arrintaas dhaleeceeyey.

CIA

Warbixintan oo laga diyaariyey baadhitaankii lagu sameeyey jidhdilkii ay hay’ada Sirdoonka CIA u adeegsatay maxaabiistii Al Qacida ee lasoo qabtay wakhtigii xukuumadii George W Bush.

Brennan ayaa saxaafada ku casumay xarunta CIA isagoo ka hadlay warbixintan wallow uu ku adkeystay in hay’adooda aanay adeegsan jidhdil balse ay jiraan khaladaad dhacay oo ay geysteen saraakiil ku talax-tagay falal aanay u heysan amar, ayuu yidhi John Brennan.

Fadeexada soo wajahday CIA ayaa ah mid hore loo filayey iyadoo aanay qorsoodi ahaan jirin in hay’adan ay jidhdil u geysato maxaabiista ay qabato, balse warbixinta la shaaciyey oo weliba xog badan laga saaray ayaa hadana muujineysa markii ugu horeysay qaar kamid ah qaabka jidhdilka loo geystay maxaabiista.

Guddiga Golaha Odayaasha Maraykanka ee Senate-ka ee arrintan soo baadhay ayaa sheegay in jidhdilku aanu waxba kusoo kordhin xogti ay baadigoobeysay hay’ada CIA, isla markaana jidhdilku aanu ahayn habka xogta looga helo dadka maxaabiista.

Warbixintan oo ka kooban 500 bog ayaa waxaa lagu xusay tusaalooyin muujinaya qaabka maxaabiista loo jidhdili jiray oo ay ku jiraan:

Hurdada oo loo diido, Cuntada oo loo diido, In lagu sameeyo jidhdilka Waterbording oo qof biyo lagu hafiyo illaa uu moodo inuu dhimanayo.

Maxaabiista oo lagu khasbo in iyagoo qaawan gacmaha cirka u taagaan muddo saacado badan ah, Maxaabiista lagu xidho Sanduuq ay ka buuxaan Cayayaanka wax qaniina oo maalmo lagu dhex-hayo.

Dalalka Caalamka ayaa si adag arrintan uga jawaabay iyadoo dalal ay kamid yihiin Ruushka, Iran iyo China ay Maraykanka ku eedeeyeen inuu cadow ku yahay Xaquuqul Insaanka.

Wadamadaasi ayaa kamid ah kuwii uu hore Maraykanka ugu eedayn jiray falal ka baxsan xaquuqul Insaanka.

COMMENTS
LINKS