Hinaasaha Madaxtooyada Iyo Xisbiga fashilmay Ee kulmiye Ma Joojin Karaan Mawjadaha Isbedel Doonkee Kusoo biiraya xisbiga waddani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hinaasaha Madaxtooyada Iyo Xisbiga fashilmay Ee kulmiye Ma Joojin Karaan Mawjadaha Isbedel Doonkee Kusoo biiraya xisbiga waddani.
December 19, 2014 - Written by Editor:

Cabudhinta iyo caga juglaynta xukuumaddu ku hayso muwaadiniinta fikirkooga iyo aragtidooda ku cugatay xisbiga qaran ee Waddani waxay muujinaysa kalsooni daro iyo fashilka xisbiga lagu hungoobay ee kulmiye. Hinaasaha madaxtooyadu hayn wayday kulmiye waa laga baxay oo waxa lagu biiray xisbiga waddani maaha in nabad gelyada iyo degenaanshah loo baabiyo oo bulshada la cariyo lana kiciyo. Cabudhinta iyo kalitalisnimada maanta kulmiye waddo waxa hore looga diiday lagana yeeli waayay tawrado ka cudud iyo ciidan badna halkay mareena aynu ognahay.

Taageeraada bulshadu cidday raacdo maaha in la xagxagto oo la jiidjiito dadkana in la gumeeyo oo lagu qasbo noo guulwadeeya oo sacabka tuma maaha, qofkasta xaqbuu u leeyahay xisbiga uu ku biirayo ee uu dan moodo, dadka gobolka saaxiil ku nool taageeraysha kasoo diga rogtay xisbiga kumliye ee kusoo biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxay ku hungoobeen kulmiye waxay ka arken dantoodi iyo dantii dalka xisbiga waddani. In maamulka iyo maangaabyada majaraha gobolka hayaa ku duraan fikirka muwadiniinta oo ay iska hortaagan xafaladda ay ku qabsanayeen hutel Maansoor waa nasiib daro wayn oo qaranka usoo hoyatay, waa fadeexad xukuumadda dul hoganaysa, waxaan boogaadinayaa shacabka ka dhiidhiyay ee muujiyay dareenkooda sida xaragada lehna xafaladda ugu qabsaday barxada xafiiska gobolka saaxiilGobolka saaxil waxa saaran culayska saaran Qasa mid ka culus, waxay gacanta ugu jirtaa dad aan damqasho iyo dareen la hayn, dad idman oo guulwadayaala, inamo looso diray gumaynta gobolka oo aan dan ka lahayn. markaad eegto sida ay u dhaqmayaan, reer berbera waxaan ugu bushaaraynayaa inay heli doonan dad ka turjuma baylahdooda oo ka duwan dadka maanta maamulka haya. Dad ku shaqeeya rabitaankooda oo aan ahayn calooshood u shaaystayaal.

Ilawsho dhawaa reer kulmiye ma umulbaa, miyaanay shalay ahayn maalintay ka cabaadayeen ee ay ka cabanayeen cabudhinta, maalintii ay ka qaylinayeen xafaldii loo diiday inay ku qabsadaan hudheelada, waxayse ilaaween inaanu mahadin maamulkii waqtigaa jiray ee ay sii kicisayuun dareenka dadka, mucaaridaduna ay kusii darartay. Maantaan waa maalintii oo kale, dalkuna waa dalkii taageerayshuna waa kuwii maalintaa idinla socday oo ku hungoobay, waxqabadka dhalnteedka ah ee aad la taagatihiin gidaar kasta oo muujiyay inaanay ku qanacsanayn hogaamita Kulmiye. Maanat haddi kulmiye fashilmay oo reer Somaliland maalinba hormo ka bxayso ma ciideeyaa oo dadka kicayaa. Laydinka yeeli maayo mana qasaysan dalka dhiigu u daatay reer kulmiyoow.

Waxaan xasuusanahay dhacdadii crawn hotel, dhallinyardi lasoo majara habaabiyay ee ay soo direen masuuliyiinta hinaasaha madaxtooyadu hagayay. Hantidii badnayd ee la burburiyay, gawaadhdii la bugaaxay iyo dadkiii dhaawacu soo gaadhay ee aanay cidin ka garabin, caqliyadaa sidaa u fikiraysaa dalka ma danbuu ka leeyahay, talada lagu gaadhayo hala burburiyo oo hala qaso xafaladaha mucaaridka miyay tahay talo waayeel oo maan gala?

 

Xisbiga kulmiye iyo xukuumadda siilaano waxay dalka gelinayaa qas hadaan gurmad alle iman oo aan la helin talo tan maanta dhaanta, waxaan arkaynaa cabashada tiro beeshay ee aan cidi ka jawaabayn, eexda iyo qaraabo kiilka xadhakaha gostay, qabyaaladda xidida siibay ee aan la qarsanayn, musuq-maasuqa aan gabshada lahayn ee lagu boobayo hantidii umadda. Ayaama hadhay haddi lagu gaadho nabad qab inaga ku burasidna sida xaal yahay waa alle sahal.Madaxwaynahaynu dooranay meeyay? Muxuu u dareemi la’yahay ee ayu u maqli lanahy codkiisa iyo fariintiisa, dalkan sii kala furanaya maanu arkayn oo masuuliyad ka saarayn, madaxwayne guul wadayashah kugu gadaamani yaanay gebi kaa turin. Dalku gurmad buu u baahnayahyee. Caddalaadu buu u baahnyahay, sinaanbuu u baahanyahay, saami qaybsi saxuu u baahanyahay, is qadarin iyo is qiimaynbuu u baahnyahay. Waxaan kula dardaarmaya buslahda inaynu nabada ilaashano oo sideni isu xilqqaano ma muuqato xukuumad masuuliadi saarntahay, xukuumaddi waata iyadu horseedaysa buuq kasta ee aan danta ka lahayn dalka iyo dadka, waata xukuumadeenu dhagaha furaystatay ee aan ogayn wax dhacayaba, waata xisbiydii qaranka kolba waraaq la qoraayo ee laga hor istaagayo xafaladdhihii

 

CABDI SAXAFI

COMMENTS
LINKS