Hay’adda IPRT oo 20 Haween ah u Qabatay Tababar la Xidhiidha Waxbarashadda Madaniga ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda IPRT oo 20 Haween ah u Qabatay Tababar la Xidhiidha Waxbarashadda Madaniga ah.
December 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa (Wajaalenews) Hay’adda wadaniga ah ee IPRT iyo jaamacadda Abaarso Tech

ayaa aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay waxbarashadda madaniga ah u

qabatay 20 haween ah oo wax ka barta dugsiga dhaqaalaha guriga ee

Xaajiya Haweeya, kaas oo maagalisay hay’adda NED.

Aqoons-isweydaarsigan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi, ayaa lagu

baranayay xuquuqda iyo waajibaadka saaran muwaadinka, iyadoo sidoo

kale halkaasi ay khabiir ka shaqeeya ha’ayddaasi uu kaga hadlayay

IMG_2063_Fotor

qaabka iyo shaqadda baarlamaanka.

Mr. Maxamed Cali Kaahin oo ka mid ah madaxda sarsare ee hay’adda IPRT

ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan, gaadhsiyaana

haweenka aan fursadda u helin inay helaan tababarkan oo kale. Mr.

Maxamed wuxuu xusay inuu aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid daba-jooga

tababaro taxane ah ah oo hore ay ha’ayaddu u bixisay, kuwaas oo kuwii

kan ka horeeyay tababaro loogu fidiyay ardaydda wax ka barata

dugsiyadda sare, laguna tababarayay shaqadda iyo hawlaha uu shacabku u

hayaan golayaasha barlamaanku. Wuxuuna kula dardaarmay ka

qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan muddada uu socdo

aqoon-isweydaarsigani.

Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi oo madaxa mashaariicda IPRT ayaa

sheegay inay aqoon-isweydaarsigani aanu ahayn kii ugu horreeyay ee ay

qabtaan haweenka, balse ay hore u qabteen aqoon-isweydaarsiyo lagu

kordhinayo aqoonta madaniga ah, si ay shacabku u noqdaan muwaadiniin

wacyigashan, isla markaana garanaya waxa ay xaq u leeyihiin, iyo

waajibaadka ka saaran dalkooda.

Mr. Cabdillaahi wuxuu ku dheeraaday faa’idadda balaadhan ee ay

leedahay inuu qofku ogaado qaabka uu u shaqeeyo dalkiisu; xeerarka u

yaala. Wuxuu u sheegay Cabdillaahi inay hay’adda IPRT oo mashaariic ay

wado ay ka mid yihiin qaar tababaro xirfaddaha gacanta ah loogu

sameeyo dhalinyaradda, si ay u noqdaan kuwo shaqaysta, dadkooda iyo

dalkoodana waxtara, kagana badbaadaan afooyinka balwaddaha iyo

tahriibka. Wuxuu intaas ku daray inay muddo dheer la soo shaqaynayeen

Golayaasha Xeer-dejinta. Haatana barnaamujkani uu yahay mid qayb ka ah

siddii bulshadda loogu wacyigalin lahaa hawlaha ay Golayaasha

Guurtidda iyo Wakiiladdu u hayaan shacabkooda.

Nuura Maxamed Ibraahim, oo iyadu ka mid ahayd macalimiinta bixinaysay

tababarkan ayaa haweenka uga sheekaysay qodobadda caalamiga ah ee

xuquuqal-iinsaanka, muwaadnimadda, dastuurka, shaqadda iyo

qaab-dhismeedka baaralamaanka dimuqraadiga ah, iyo siyaabaha ay

shacabku u ilaashan karaan xorriyaadka uu dastuurku u damaanad-qaaday.

Tababarkan ayaa haweenkaasi qodobadda kale ee ay qaateen ay ka mid

ahayd dimuqraadiyadda iyo hannaaka dawladnimo, sida qofka muwaadinka

ahi uu awooda ugu leeyahay inuu soo doorto cidda matalaysa, isla

markaana ula xisaabtami karo masuuliyiinta dawladda, isaga oo maraya

sifo sharci ah.

Ugu danbayntii, Khadija Cabdiraxmaan Muxumad oo ka mid ah ka

qaybgalayaasha, ayaa sheegtay inay aqoon-isweydaarsgani uu ahaa mid ay

si weyn uga faa’idaysteen. Waxaanay mahadnaq u jeedisay hay’adda IPRT

oo fulinaysay barnaamujkan iyo hay’adda NED oo ka maalgalinaysay.

COMMENTS
LINKS