Hambalyo Gudida Beesha Sacad Muuse , Waxey Qabteen Shaqo fiican. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hambalyo Gudida Beesha Sacad Muuse , Waxey Qabteen Shaqo fiican.
December 17, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada,guud ahaan.

Shaley ayay aheyd markii gudidii horumarinta beesha sacad muuse fadhiisteen, ka dib markii ay ergo iyo sabaalo loogu taagi waayey labada wasiir ee midna xoolahii ummada jeebka ka buuxsadey ,mid ka kalana sheko mala awaal ah lagu yidhi madaxweyne ayaad noqneysaa,kaaga daran aduunka xagee lagu arkey kursi nin ku fadhiyo ayaad adiga oo meel iska seexdey oon waligaa u shaqeysan laguu siin ama aad u heli kursiga kulmiye siilaanyo dabadii muuse biixi ayaa iska leh kii diida iyo kii Tv- yada ka qeyliyaba.

Gudidu cod ayay galiyeen markii murankii wasiiradu dhamaan waayeen, waana looga badiyey codeyntii beesha dhexdeeda, waxanan aaminsaney golaha dhexe ay malaha isleeyahiin waxogaaga xoolaha dadweynaha aad ka xadeen ayaad laaluush u bixindoontaan in lafteeda uu muuse uga awood badanyey, ma siilaanyo oo madaxweyne ah ayay wasiiradu is moodeen?

waxaan leyahey codkii la qaaday waa la idinka badiyey ee odayaashan aan salaadiina aheyn ee uuna mid kaliya oo wajigiisa saladan lagu yaqqaneyba ka muuqan eed beenta u soo dhiibeysaan ka daayay Tv-yada iyo saxaafada oo xishooda nin raga looga fiican ficilka dumarka oo kale in uu meelahaasi la joogee,

gudida horumarinta waxaan leeyahey waad mahadsantahiin shaqadiinii waad ka soo baxdeen.

labadan wasiirana ha ku eekaadaan shaqada uu madaxweynahu u igmadey oo xisbiga gudoomiye ayuu leeyahey ee faraha ha kala baxaan.

Qore: Tahir Hussein.

COMMENTS
LINKS