Gudoomiyaha Dhalinyarada Wadani Ee Gabiley Mr Shabeel Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dhalinyaro Reer Gabiley Oo Sheegay In Ay Qaadaceen Go,aankii beesha Sacad Muuse Wasiirka Maaliyadana Fariin Adag U diray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Dhalinyarada Wadani Ee Gabiley Mr Shabeel Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dhalinyaro Reer Gabiley Oo Sheegay In Ay Qaadaceen Go,aankii beesha Sacad Muuse Wasiirka Maaliyadana Fariin Adag U diray
December 25, 2014 - Written by Editor:

Gabiley -(Wajaalenews)- Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Ee Gobolka Gabiley MAxamed Nuur Mooge (SHABEEL) Ayaa Si Adag Uga Hadlay Go’aankii Beesha Sacad Muuse Ku Kala Saartay Musharixiintii Beeshaasi Ee Sadex Ahaa Ee Kulmiye Dhexdiisa , Waxa Uu Gudoomiye Shabeel Taageero U Muujiyay Go’aankaasi , Waxaa Kale Oo Uu Gudoomiye Shabeel Weeraray Hadal Ka Soo Yeedhay Qaar Ka Mida Dhalinyarada Beesha Oo Qaadacday Go’aankaasi Ay Soo Saareen Gudida Beesha Sacad Muuse Ee Lagu Doortay Shirkii Agabar Ee Hoodaale .

shabeel gabiley

 Gudoomiye Shaeel Waxaa Uu Sidoo Kale Ku Eedeeyay Wsiirka Wasaarada Maaliyada In Uu Ku Jiro Musuq-Maasuqii Abid Ugu Badnaa Ee Ka DHaca Wasaaradaasi Isagoo SHeegay In Uu Wasiir Cabdi Casiis Uu Ku Kaambayn Garaysanayo Lacagtii Masaakiinta Iyo Danyarta Somaliland .

 

Ugu Danayntii Gudoomiye SHabeel Waxa Uu Baaq U Diray Madaxweynaha Somaliland Oo Uu Ku BAraarujiay In Uu Sida Degdega Badan Wax Uga Qabto Musuqmaasuqa Aafeeyay Wasaaraasi MAaliyada , Waxaa Kale Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Xusuusiyay In Uu Wakhtigii Ololaha Doorashada Uu Bulshada U Sheegi Jiray In Uu La Dagaalami Doono Musuqmaasuqa.

COMMENTS
LINKS