Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Warbixiyey Ujeedada Safar Ay Kaga Soo Laabteen Dalka Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Warbixiyey Ujeedada Safar Ay Kaga Soo Laabteen Dalka Kenya.
December 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)-Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md:Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka warbixiyey u jeedada socdaal xubnaha komishanka doorashooyinku ay ugu baxeen dalka Kenya.waxaana uu sheegay in u jeedada socdaalkoodu ay ku qotantay tobabar dhinaca hawlaha shaqada ah oo ay soo qaadanayeen,waxaa kale oo uu tibaaxay in ay kulamo la soo qaadeen deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka isaga oo tilmaamayna in ay si fiican ay isu soo afgarteen.

gudomiyaha komishanka doorashooyinka

Md:Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayey madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa,xili uu socdaal kaga soo laabtay dalka Kenya.

“Waxaanu baxnay maalintii Salaasada, waxaanu soo qaadanay tobabar Kenya ah, si wanaagsan ayaa uu noogu soo dhamaaday qolooyinkii deeq bixiyeyaashana waanu is aragnay waanan isa soo af-garanay sidaas ayaanan ku soo noqonay”Ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md:Cabdiqaadir Iimaan Warsame,ayaa waxaa kale oo uu ka gaabsaday in uu ka hadlo hadal ay wediisay warbaahintu soo sheegayey in ay ay xisbiyada mucaaradku kalsooni badan ku qabin komishanka doorashooyinka,iyo sida oo kale arrimo la xidhiidha diiwaan galinta codbiyeyaasha doorashada.

“Arrintaa hada ka hadli maayo, waayo markii nala magacaabayba waanu baxnay, hada marka aanu soo noqonayna xafiiska yagii ayaanu dib ugu noqonaynaa markaas ayaanu arrimo badan aanu ka hadli doona”Ayuu yidhi Md:Cabdiqaadi Iimaan Warsame

COMMENTS
LINKS