Gudaha Ka Akhri ;Magacyada Shanta Xabsi Ee Dunida Ugu Ciqaabta Adag Oo La Shaaciyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudaha Ka Akhri ;Magacyada Shanta Xabsi Ee Dunida Ugu Ciqaabta Adag Oo La Shaaciyey
December 19, 2014 - Written by Editor:

Washington(Wajaalenews);Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu shaaciyey magacyada Shanta Xabsi ee dunida ugu nolosha liita, isla-markaana ugu ciqaabta Adag ee lagu xidho dadka dambiyada kala duwan looga shakisan yahay.

maxaabiista dunida 1

Shantan xabsi ayaa la sheegay inay ka shaqeeyaan ciidamo arxan laawayaal ah oo lagu tababaray hababka kala duwan ee Bani’aadamka loo ciqaabo, kuwaas adeegsada xeelado ka baxsan midda laga fili karo qof kasta oo damiir lagu tuhmayo.

Sidoo kale xulista xabsiyadan ayaa lagu saleeyay xumaanta iyo xadgudubka ay iskula kacaan maxaabiista xidhan dhexdooda, iyadoo ku dhawaad maalin walba ay dhimasho iyo dhaawac ka dhacaan xabsiyadaan.

Xabsiyadan ayaa ku kala yaalla Qaarado kala duwan oo caalamka ah, waxana ka dhaca jidh-dilka iyo ciqaabta ugu xun ee dunida la isticmaalo.

Shanta xabsi iyo Meelaha ay ku yaallaan ayaa kala ah sidan soo socota:

1- Xabsiga dhexe ee Vladimir, wuxuu ku yaallaa Ruushka

2-Xabsiga Attica, wuxuu ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka

3- Xabsi Xero ahaan jiray oo loo yaqaan Guantanamaha Israel

4- Xabsiga Kitimi, Wuxuu ku yaallaa Magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya

5-Xabsiga dhexe ee Bang Kwang , wuxuu ku yaallaa Thailand.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS