|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudaha Ka Akhri: Magacyada 54 Qof Oo lagu Abaal-Mariyey Shaqsiyaadka Sannadka Danta Guud & Daryeelka Bulshada;SAWIRO
December 13, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Abaal-marinno guddoonsiiyey dhawr iyo konton qof oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno, Suxufiyiin, Hal-abuurro, Qorayaal, Shirado Ganacsi, Masuuliyiin iyo Shaqsiyaad kale oo uu Ururka Horumarinta iyo Cilmi-baadhista Somaliland ee SODRA u soo xulay inay yihiin Xubno ku dedaalay Danta guud iyo Daryeelka Bulshada sannadkan dhammaadka ku dhaw ee 2014-ka, ka dib qiimayn iyo baadhis ay sheegeen Masuuliyiinta Ururkaasi inay sameeyeen. Munaasibadda Abaal-marinta lagu guddoonsiinayey xubnahaas kala duwan oo lagu qabtay Sabtidii maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka sokow Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro tiro badan, Xidhibaanno, Masuuliyiin ka socday Shirkado Ganacsi, Qurbo-joog, Madax-dhaqameed, Dhalinyaro, Hal-abuurro, Suxufiyiin, Madaxda Ururka SODRA iyo Marti-sharaf kale. Guddoomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle oo furitaankii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in sannadkii saddexaad Urur ahaan qabtaan Munaasibad lay ku abaal-marinayaan Shaqsiyaadka, Shirkadaha iyo Masuuliyiinta Bulshada wax muuqda ku soo kordhiyey oo la xidhiidha Danta guud iyo Daryeelka Bulshada, waxaanu sheegay inay dadka ay sannadkan abaal-marnta siinayaan oo dhawr iyo konton qof ah ku soo xusheen Dedaal iyo Karti ay muujiyeen oo aanay dano gaar ah, qof jeclaysi iyo ugu dhawaasho cid gaar ah aanay midna ka ahay. “Ururka oo la aasaasay afar sano ka hor, waxa uu leeyhay fikir cusub oo ay Bulshada Somaliland soo dhaweeyeen, Ururku waxa uu immika gacanta ku hayaa Mashruucaha ugu khayrka badan oo ah Mashruuca Rejo-abuurka dhalinyarada Somaliland ee awoodi waayey inay lacagta waxbarashada iska bixiyaan, kaasoo boqolkiiba afartan lagaga bixiyo Fiiga Jaamacadaha, isla markaana ay ka faa’iidaystaan Arday gaadhaysa 300 oo dhalinyaro ah oo isugu jira danyar, Agoonta Mujaahidiintii soo halgamay iyo kuwo aan awoodin bixinta kharashkaas.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle. Agaasimaha guud ee SODRA oo isugna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inta badan 54-ka qof ee ay Abaal-marinta guddoonsiiyeen iyo qof waliba waxa uu ku mutaystay, waxa uu sheegay in Wasiirka Maaliyaddu ku mutaystay heerka uu gaadhsiiyey miisaaniyadda Qaranka muddada uu joogay Wasaaraddaas, Xubno dhiirrigeliyey Hiddaha, Dhaqanka, Suugaanta iyo Afka Soomaaliga, Xubno naafo ah oo wax muuqda sameeyey sida Iskuullo, Shirkadda Dahabshiil oo Maalgashigii ugu badnaa dalka ka hirgelisay iyo waxyaabo la mid ah.
Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Macdanta iyo Tamarta, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta gobollada Bari iyo Beeraha oo dhammaantood ka mid ahaa Xubnaha Abaal-marinta la guddoonsiiyey, isla markaasna Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa Masuuliyiinta Ururka SORDA uga mahad-celiyey qiimaynta ay sameeyeen iyo sida ay isugu hawleen inay Madax iyo Shacab cid kasta oo dedaal muujisay sannadkan Abaal-marin siiyaan, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin hawsha Ururkaasi qabtay. Xasan Waraaba Cadde oo ku hadlayey Afka Qurbo-joogta iyo Xasan Xiis oo ku hadlayey Afka Shirkadaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay sidoo kale u mahad-celiyeen Ururka SODRA oo ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in Ururkani soo gaadho heer uu Abaal-marinno bixiyo oo qiimayn sameeyo isagoo jiray keliya afar sannadood muddo ku siman. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin siinayaa Ururka SODRA ee isku xilqaamay Xafladdan iyo inay abaal-marin siiyaan dadkii wax qabtay ee reer Somaliland si loogu dhiirrigeliyo, marka labaadna waxaan hambaaynayaa cidda halkan abaal-marinta lagu siinayo. Waxaan leeyahay Saaxiibbadayda SODRA waxa la yidhaahdo Abaal-marintu waa inaanay idinka noqon nin jecaysi, saaxiib-garasho iyo wax la mid ah, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah, waa in Xeerar iyo Shuruuc iyo Shuruudo aad ku kala doorataan ummadda ee aanay mar walba innaga noqon biyo-dhac, waayo? Xil baa inna wada saaran.” “Weliba gaar ahaan inta ummaddani u igmatay inay xil u hayso hadday dadaalaan waa waajibkooda, haddii ay waajibkooda ka soo bixi waayaanna Illaahay baa kala xisaabtami. Markaa, dadka inta badan la abaal-marinayaa waa inay noqdaan Shaqsiyaadka Bulshada wax ku soo kordhiya ee aanay noqon Masuuliyiinta Qaranka, balse waxa la heli karaa sannadkii illaa shan qof oo dadka iyo dalka wax ku soo kordhiyey, Masuuliyiinta Qaranku hadday dedaalaan waa waajib saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici. Madaxweyne Ku-xigeenku gebo-gabadii waxa uu Abaal-marinnada loogu talo-galay guddoonsiiyey dadka dhawr iyo kontonka qof ah ee Ururka SODRA u soo xulay inay yihiin kuwa mutaystay abaal-marinta sannadka ee Danta guud iyo Daryeelka Bulshada, iyaga oo xubnaha aan goob-joogga ka ahayn Munaasibaddaas ee Abaal-marinta ku jirayna loogu dhiibay dad ay soo wakiisheen, waana sannadkii saddexaad ee Ururka SODRA bixiyo Abaal-marintan oo kale. Liiska Magacyada Xubnaha kala duwan ee Abaal-marinta la guddoonsiiyey oo Aftahannews helay waxa uu u dhignaa sidan:-
\17. Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar
Related posts:“Arrinka Ugu Weyn Ee La Eegayo Waa Haddii Komishanku Inoo Qabtaan Doorashooyin Bilaa Musuq-Maasuqa!X... Wasiirka Beeraha JSL Iyo Wefti Ka Socda Dawlada Jarmalka Oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Katirsan ... DAAWO; Wajigii labaade Ee Baraamjika Afuri Walalkaa Iyo Ururka Walaalaha Gobolka Gabiley oo Gaadhsii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|