Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo Madaxweynaha oo loo Gudbiyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo Madaxweynaha oo loo Gudbiyey.
December 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa maanta cod Aqlabiyad ku ansixiyey Xeerka Diwaangalin madaniga iyo Codbixiyaasha oo ay kaabis iyo wax kabedel ku saameyey Golaha Guurtida ee Somaliland.

Fadhigaasi maanta oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Cirro ayaa waxa Xildhibaanada uu ku wargaliyey in qodob qodob ay u ansixiyaan qodobadii  Golaha Guurtidu dib u saxa ku sameeyen, waxanay xildhibaanadu qodob qodob u ansixiyeen dhammaan Qodobadaasi iyaga oo Gabogabadii dudub ku ansixiyey Xeerkaasi waxana fadhigaasi fadhiyey 44 Xildhibaan, waxana u codeyey  39 Xildhibaan waxa diiday 1 Xildhibaan 3 Xildhibaan ayaa ka Aamusay.

Golaha wakiilada ayaa Isla maanta Madaxweynaha Somaliland u Gudbiyey Xeerkaasi isaga oo madaxweynuhuna dhaqangelindoono Xeerkaasi.

 

COMMENTS
LINKS