Garnaqsigii Muuse Iyo Samaale Ee Gudida Sacad-Muuse Dhawaaqa Qaadhihii Amaahda iyo Halka Ay Taalo Xaqiiqda Cabsida Muuse Ee Golaha Weynaha Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garnaqsigii Muuse Iyo Samaale Ee Gudida Sacad-Muuse Dhawaaqa Qaadhihii Amaahda iyo Halka Ay Taalo Xaqiiqda Cabsida Muuse Ee Golaha Weynaha Kulmiye
December 17, 2014 - Written by Editor:

Mar kasta oo lahadal qaado mowduuc ku sahabsan loolanka raga damacu

kaga jiro Mustaqbalka Siyaasada Xisbiga Kulmiye ee kasoo jeeda Beesha

Sacad Muuse waxa ay dad badani xasuustaan cabsida Gudoomiyaha Xisbiga

laba1

Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka qabo rajada loolan adag oo uu ka galo

Xisbiga Gudihiisa haday tahay Golaha Dhexe iyo haday tahay

Xisbiweynaha Kulmiye intaba,waxaana jira in had iyo jeer marka

Siyaasada Xisbiga Kulmiye laga duulayo ay dad badani ka shidaal

qaataan xaqiiqda halkaasi taala bal aan inyar ku hakado maadaama aan

xogogaal ahaa garnaqsigii ay Samaale iyo Muuse usoo bandhigeen Gudida

Sacad Muuse.

 

 

 

Kadib markii uu Cabdicasiis Maxamed Samaale(Wasiirka Maaliyada),kana

mid ah xubnaha ugu firfircoon ee doorka weyn ku leh Siyaasada Xisbiga

Kulmiye,ee uu asaasayaashii kamidka ahaa islamarkaana, ku xudun xidhay

in uu mustaqbalka ka rajo sugayo inta Madaxweyne Siilaanyo dabarka

usii dayn doono Damaca Siyaasiga ah waxa uu usoo bandhigay Beesha

Sacad-muuse in aanay jirin mid iyaga kamid ah oo kula taliyay

Siyaasada in uu ka qeyb galaa kujirin Gudidii Agabar lagu dhisay oo

maalmahaa Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi u faruur xidhnaa qaar

kamid ahi sidaa daraadeedna damaciisa Siyaasiga ah iyo in uu loolamaa

ay u taalo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye walaalkii Muuse Biixina uu

mar hore uga tanaasulay in uu kula taratami lahaa jagada

Gudoomiyanimada Xisbiga taas oo ay ka qabsadeen beeshii uu wakhtigaa

magansadey Muuse ee Habar/jeclo imikana uu kalsooni ka qabo in ay ku

wada taratamaan golaha Weynaha Kulmiye iyo Golaha Dhexe xuquuq

dastuuri ahna uu u leeyahay xubin kasta oo Xisbiga Kulmiye kamid ahina

ay xaq u leedahay,sidaa daraadeedna aanay munaasib ku ahayn in Gudida

loo abuuray Hurumarinta Beesha Sacad-Muuse ka taliso arimaha

Siyaasada.

 

 

Hadaan usoo Noqdo tii Muuse Biixi anigoon aad u dureyn waxa uu

Mujaahidku madashaas uu ka filanayay in ay u dabaaba xidhneyd

maalmahaas maadaama, Ganacsade Aw Siciid qaadhaha u lulay raga qaarkii

uu kusoo bandhigay maadaama uu yahey, nin mudo badan soo dagaalamay

aanu diyaar u aheyn Siyaasad lagu qordiyo waa sida uu hadalkiisa u soo

dhigay islamarkaana, uu diyaar u yahey in duuduubka lagaga reebo magac

reer ahaan sidii Reerihii hore ee uu magansaday Beesha Madaxweyne

Siilaanyo loolankii hore uga tanaasulisay Samaale ay maantana

Sacad-Muuse u tanaasuliyaan,fikir badan oo soo jeedintiisa laga

dhiibtey waxaa loo laqimay in uu isagu codsiga xaq u leeyahay oo uu

ula tagi karo raga Walaalihii ah waa Maxamed Biixi oo soo kordhay

maalmahaa iyo Samaale,laakiin tani noqoneys dhagar beeshu galayso oo

aan la iska dulqaadi karin xaquuqdooda muwaadinimo

Xisbinimo,qofnimo,iyo Siyaasad ahaan intaba,taas oo aanay marnaba

suurtagal ahayn in Xukun lagu rido,hadaba maadaama ay tahay Gudida

Beeshu Gudi hurumarineed oo lagu sameeyay Shirkii Agabar haseyeeshee,

aanay ahayn Gudi Siyaasad iyo damac Siyaasi ah midna khuseeya.

Sikastaba ha ahaatee,waxa cad in cabsidii Muuse hada soo ifbaxdey

maadaama uu ka dhawaajiyay kalsoonina ku qabo Gudi hoosaad beeleed iyo

Suldaankii Reerkiisa ahaa,islamarkaana, uu kasii baqayo in uu isagoo

kalsooni qaba maruun hor yimaado Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

waxaan jecelahay in ay arntaasi tahay nasiib daro culus oo ku habsatey

Muuse Biixi maxaa yeelay isagoo ah Gudoomiyihii dhamaa ee Xisbiga

Kulmiye hogaaminayay ayuu maanta ku gabanayaa oo ku warwareegayaa koox

kamid ah Gudi reereed loo igmadey hurumarinta Beesha Sacad-muuse

waliba qeyb kamid ah iyadoo taasi ina tuseysa cabsida iyo waxba

la,aanta utaala Xisbiga gudihiisa maxaa yeelay fursad wuu haystaa uu

kaga shaqeysto xubnaha Golaha dhexe laakiin kalyo mahayo Muuse uu cid

ku kasban karo, waxaan xasuustaa ninkii saaxiibkay ahaa ee Qurba jooga

ahaa oo yidhi hadii Kulmiye oo dhami u tanaasulo tolow Ciro iyo

jamaalna ma iga Reebuu odhan ………..

 

 

Gabagabadii Maqaalkeygan anigoo kusoo gunaanadaya Muuse Biixi

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu doonayaa talada ugu sareysa ee

hogaanka dalka Somaliland waxaanu xaqiiq ahaan u amaah tagay marka

laga tago Kulmiye iyo arimihiisa sadex aanay hogaaminta dhabta ahi ka

maarmin oo hordhac u noqonaya mar walba ilaa dhaqankeenii,waa

deeqsinimo,Dulqaad iyo Cadaalad,Tusaale ahaan deeqdii wuu u amaah

tagay oo wuxu u doontay nin ganacsade ah oo hadii waaga barigiisa wax

iska badelaan Salaadiintaasi,maanta qalinkaanu ku duugney lihi dhinac

kale ayay qalinka ugu duugi doonaan,oo deq maleh horeyso iyo

dambeysaba Muusena bari waa Muusihisii,ta labaad Dulqaad iyo dabeecad

uu cid kula showro ama kula arinsado ma leh oo waakaa kooxda ka

dalbaday durba in ay xaqdaro wax ugu sexeexaan,ta sadexaadna Cadaalad

laguma ilaa halgankii Snm oo wakaa isagoo Gudoomiyihii dhamaa ee

Xisbiga ah mar walba ku kalsoonaan la,a Golihiisii ee meel madow wax

ku doonaya,sadex uu ka aradan yaheyna maqaalkeyga dambe ayaan kusoo

qaadan doonaa.

 

Fahmi Caqli Yaasiin

Hargeysa Somaliland

fahm980_@yahoo.com

COMMENTS
LINKS