Faahfaahin ku saabsan Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baydhabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faahfaahin ku saabsan Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baydhabo
December 5, 2014 - Written by Editor:

BAYDHABO(Wajaalenews); Ugu yaraan 10-ruux oo ay ku jiraan wariyeyaal ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kale oo ay wariyeyaal ku jiraanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar is-miidaamin ah oo gellinkii dambe ee maanta lala beegsaday maqaayad ay dad badan joogeen oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Baydhabo_Bay_Somalia

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala bartilmaameedsaday maqaayad weyn oo ku dhow xarun ay shirkadda xawaaladda Dahab-shiil ku leedahay magaalada Baydhabo.

Wariyaha HOL ee Baydhabo ayaa sheegaya dadka ku dhintay weerarkan ay ku jireen laba wariye oo ka mid ah kuwa ka howlgala Baydhabo, kuwaasoo kala ah; C/qaadir Maynot oo ka tirsanaa Somali Channel Tv iyo Maxamed Isaaq Barre oo ahaa filim-qaade ka tirsanaa Kalsan Tv, wuxuuna wariyuhu sheegay inuu qaraxu ahaa mid aad uga xooggan qaraxyadii ka dhici jiray magaalada.

 

“Nin miineysan ayaa markii hore isku qarxiyay maqaayadda, markii dambena gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qaraxa ayaa lala beegsaday, qaraxa gaariga ayaa ahaa mid aad u xoog badnaa marka loo eego qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Baydhabo ka dhici jiray, dad aad u badan ayaana ku geeriyooday,” ayuu soo sheegayaa wariyaheenna Baydhabo.

Sidoo kale, suxufiyiintii ku dhaawacmay weerarkan ismiidaamintan ah oo tiradoodu tahay saddex ayaa kala ahaa; C/qaadir Xasan Jookar oo KALSAN Tv ka tirsan, C/qaadir Xasan Iyeeyoow oo SOMSAT Tv ka tirsan iyo Maxamed Aadan Socdaal oo ah wariyaha ug soo Radio Dalsan magaalada Baydhabo, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaalka guud ee Baydhabo.

Maqaayadda ismiidaamintan lala beegsaday ayaa waxaa xilligaa ku fadhiyay dad badan oo ay ku jiraan wariyeyaasha ka howlgala Baydhabo iyo qaar ka tirsan ergadii wax ka dhisay maamulka saddexd gobol ee madaxweynaha uu u noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo gubtay sida ay sheegeen howlwadeennada isbitaalka Baydhabo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dadka weerarkaan ku geeriyooday uu ku jiro wariye ka howlgala degmadaas.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan kacsan, iyadoo ciidammo badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin waddooyinka waaweyn, iyagoo ku soo rogay magaalada oo dhan bandow, mararka qaarkoodna la maqlayo rasaas dhacaysa.

 

Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii qarax is-miidaamin ahaa isla maqaayaddan lala beegsaday, iyadoo Al-shabaab oo sheegatay inay ka hadlay mas’uul weerarkaas ay xuseen inay bartilmaameedsanayeen wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga maamulkii lixda gobol, C/fataax Geeseey, balse ma jirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray lagu weerkaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca Baydhabo intii lagu jiray sanadkan 2014-ka, welina ma jirto cid sheegatay weerarkii maanta, mana jiro hadal kasoo baxay hay’adaha amniga gobolka Bay iyo kuwa Baydhabo. iyadoo qaraxan uu imaanayo xilli maalin ka hor la caleemo-saaray madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh, isagoo xafladdii caleemo-saarka ka sheegay inuu la dagaalamayo Al-shabaab.

 

COMMENTS
LINKS