Ethiopia Oo Ka Hadashay Maleeshiyada La Sheegay In Suldaan Wabar Ku Urursaday Xuduudka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ethiopia Oo Ka Hadashay Maleeshiyada La Sheegay In Suldaan Wabar Ku Urursaday Xuduudka.
December 15, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaalenews):-Dawladda Itoobiya oo markii u horaysay ka hadashay xaaladda ka taagan Gobolka Awdal iyo Suldaanka la sheegay inuu Gudaha Itoobiya ku urursanayo maleeshiyo beeleed ayaa sheegtay inaanay marnaba ogolaanayn Maleeshiyo dawladda Somaliland ka soo horjeeda in halkaasi laga abaabulo.

Ethiopia

Safiirka Dawladda Ethiopia u fadhiya Hargeysa Jeneral Berhe Tesfay, ayaa tilmaamay inaanay hayn xaqiiqo ku saabsan in Halkaasi Maleeshiyo isku Urursanayso,haddii ay jirtana ay talaabo ka qaadi doonaan.

“Dalka itoobiya tallaabooyin sharci ah ayuu ka qaadi doonaa haddii la helo caddaymo muujinaya in shakhsiyaad iyo kooxo waxyeelllo ku ah nabadgalyadu ku dhuumanayaan, iskuna qarinayaan degaanadda xadka ka baxsan ee ah dhulka Itoobiya, kuwaas oo doonaya inay abuuraan rabshado iyo dhibaatooyin, iyadoon cidna looga tanaasuli doonin inay xasilooni darro ka abuuraan xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland” ayuu yidhi Mr Tesfay.

Ambassador Tesfay waxa uu intaasi raaciyay “Dastuurkayagu ma fududaynayo wuuna ka soo horjeedaa in burbur iyo waxyeello la gadhsiiyo dalalka aanu saaxiibka nahay,iyadoo aaanu martigelinayno Maleeshiyaad ka soo horjeeda Dawladdaha, haddana inkasta oo aanu maqalnay warar sheegaya in khilaaf yar ka dhacay maalmo ka hor Boorama, haddana si kasta ha ahaatee kama war qabno maleeshiyo Beeleed Somaliland ah oo isku Urursanaya xadka Somaliland iyo Itoobiya”

Ambassador Tesfay oo u waramay Warbaahinta Luuqada Ingiriisada wararka ku baahisa ee Somalilandsun waxa uu sheegay in inta uu ogyahay Wasiirka khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeya gaas Ismaaciil Shaqale u joogaan Itoobiya sidii ay dhigooda ugala hadli lahaayeen arintan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS