Dowlada Jarmalka oo Abaal Marinta Sanadka 2014 u Garatay Elman Peace And Human Rights :-Fartuun Cabdisalaan Adan oo Ahayd Xaaskii uu Ka Geeriyooday Elman. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowlada Jarmalka oo Abaal Marinta Sanadka 2014 u Garatay Elman Peace And Human Rights :-Fartuun Cabdisalaan Adan oo Ahayd Xaaskii uu Ka Geeriyooday Elman.
December 9, 2014 - Written by Wariye:

German(Wajaalenews) Xaflad Si Weyn Loo Soo Agaasimay Ayna Ka Soo Qeyb Galeen Madax Ka Socotay Xukuumada Jarmalka,Xildhibaanada Jarmalka, Siyaasiin, Ururo, Ganacsato Iyo Urur Ay Ku Mideysan Yihiin Dhakhaatiirta Jarmalka, Sidoo Kale Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Ururada Samafalayaasha Ee Ka Hawl Gala Dalka Jarmalka.

Dhinaca Soomaaliya Waxaa Ka Yimid o Xaflada Marti Sharaf Loogu Casuumay Fartuun Cabdisalaan Adan oo Ahayd Xaaskii uu Ka Geeriyooday Elman oo Ahaa Nin Ay Soomaali Badan Ku Xusuustaan In uu Wax Weyn u Qabtay Caruurta Soomaaliyeed Ee Derbi Jiifka Iyo Kuwii Ku Biiray Dagaalada Sokeeye, Wuxuna u Furay Dugsiyo Wax Lagu Baro Caruurtaas Waxyna Soomali Intooda Badan Iyo Kuwa Ku Nool Muqdisho Ku Xusuustaan Erygii uu Ka Tagay Marxuum Elman Ee Ahaa QAATA QALINKA TUURA QORIGA.

Dhinaca Maaweelinta Waxaa Hees Soo Jiidatay Madaxdii Iyo Dadweynihii Ka Soo Qeyb Galay Xaflada Ka Qaaday Fanaanka Cabdi Baadil oo Halkaas Ka Qaday Hees Loogu Tala Galay Elman.

Dhinaca Somalida Waxa Xaflada Lagu Casuumay Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Diaspora Asli Axmed Maxamuud oo Ku Hadleysay Magaca Somaalida Ku Nool Dalka Jarmalka.

Waxaa Kaloo Xaflada Lagu Soo Bandhigay Filimo Iyo Sawiro Ka Turjumayay Waxa Qabadka Xarunta Elman,Qudbad Ay Halkaasi Luqada Ingiriiska Ku Aqrineysay Fartuun Cabdisalaan Ayaa Intii Badneyd Dadkii Ka Soo Qeyb Galay Ka Ilmeysiisay, Ugu Danbeyn Madaxa Xarunta Xisbiga SPD Kurt Waxa uu Halkaasi Ku Gudoonsiiyay Abaal Marinta Sanadka 2014 Ee Dowlada Jarmalka Ugu Talagashay Elman Xaaskiisa Fartuun Cabdisalaan Adan,Xafaladaasi oo Ku Soo Dhamaatay Jawi Aad u Wanaagsan.

Hargaysa Office
Wajaalenews
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS