Dhalinyarooy Yaan Laydiin Dhuuman. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyarooy Yaan Laydiin Dhuuman.
December 12, 2014 - Written by Editor:

Waxan aad ugu mahadnaqayaa dhalinyarta dadaashay ee ku fikiray inay sameeyaan dalad isku xidha dhalinyarta soomaaliland oo dhan oo lamagac baxday SONYO, oo kusoo bilaabay meel aad u hoosaysa ilaa intay kolba jaranjaro kasii baxaysay ee kolba hogaan cusub uu halkaa kasii wadayay ayay noqotay Dalad magac iyo manaafacaadba yeelatay oo la jaanqaadi karta daladaha dhigooda ah ee Aduunka, ilaa maanta oo aynu ku jirno 2014 kii ayaa waxay ku sii talaabsatay inay yeelato dhisme cusub oo ay ku guuleysteen inuu usuuragalo dhismahaasoo ay caawimoyin ay kaheleen xukuumada iyo meelo kale,waa wax ilaahay loogu mahadnaqo

SONYO DHISME

balse waxa idinla gudboon in waxa ugu horeeya eed mudnaanta guud siisan uu noqdo wadaniyada iyo Amaanka, dadaalkiinana halkaa kasii wada waxa kaliya ee aan idinku kordhinlahaa waa inaad Calankaa Aynu Soomali wayn uga hadhnay ee aad ku ranjiyaysateen daarta aad ku dhex dartaan Casaan ama Akhtarka calankeena hadii kale dhismahaa quruxda badan waxa ka naxdin badan Ran jigaa ee waxba idinku qaadan maayo ee inaga badala aad baan idiinku mahad naqayaa dhamaantiin.

QALINKII ;A.A.Mumin

COMMENTS
LINKS