|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhacdo ;Waxay Kaligeed Qol La Seexatay nin 20-jir Ah..Siduu Ka Yeelay?
December 30, 2014 - Written by Editor:Gabadh Dhalinyar Ah, Oo Kaligeed Qol La Seexatay nin 20-jir Ah..Maxaa Ka Raacay? Albaabka ayuu ka furay markaasuu ku yidhi “Tuma ayaad tahay?”. Waxay ugu jawaabtay: “Waxaan ahay ardayad, waxaan la socday dugsigayga oo tiriib noo keenay halkan, balse markaan is idhi soo kaadi way iga tageen. Cidna kale ma dagana halkan, wadadii aan ku noqon lahaana ma kasayo.” Waxa uu ku yidhi: waxaad joogtaa goob geeri go’an ah, tuulada aad dagantahay waxay ku taallaa woqooyim, halkaad joogtaana waa koonfur. Hadii aad caawa oo dhan sii socotidna gaadhi maysid gurigaagii. Soo soco oo qolkan soo seexo inta ay cadceedu ka soo baxayso. Waxa uu u giijiyay sariirtiisi, isna waxa uu seexday dhulka isaga oo dhexdeeda ku xidhay xadhig iyo daah si uu u kala qaybiyo maqsinka.Iska jiibsatay inantii iyadoo cabsanaysa, buste meesha yaalayna huwatay, iyadoo ilqoodha ka khaawisaysa ninkan dhalinyarada ah.. Dhinaca kale ninkii isna fadhiisay dacalka qolkiisa, waxa uu lasoo baxay buug, shamac ololaya is hor dhig.. Si lama filaan ah ayaa uu buugii iskugu laabay, shamacii ayuu ku foorarsaday, suulkiisa ayuu dul saaray ololkii muddo 3 daqiiqo ah, suulkii gubay kadibna u gudub farihii kale, gabadha oo bustaha hoostiisa ka daawanaysay ayaa ilmo kasoo daadatay iyadoo aamusan, “hoogtaye caawa ayuun baad u soo gashay jin”.. Habeen kaasi midkoodna ma seexan. Subaxii markay noqotay ayaa uu soo kaxeeyay gabadhi, gurigoodii keen kadibna maca salaamee. Aabeheed uga sheekaysay waxa dhacay. Balse muu rumaysan gaar ahaan iyadoo gabadhii xanuunsatay markay guriga timid ba. Aabihii ayaa maalintii ku xigtay u tagay wiilkii looga sheekeeyay, isagoo yool baadhaya ayaa waxa uu ku yidhi: “waxaan ahay socdaal markaas ii sheeg dariiqa magaalada?”. Waxa uu arkay gacantii duubnahyd. Waydii waxa kaga dhacay. Wiilkii waxa uu ugu jawaab: “habeen dhawayd ayaa ay ii timid gabadh dhalin yar ah oo soo luntay, qolkayga ayaan seexiyay, shaydaankuna waxa uu igu dhiiri galinayay inaan xumaan ku sameeyo, balse waxaan gubay farhayga si aan u xasuusto gubitaanka naarta iyo xanuunkeeda hadii aan xumaantan smeeyo.” Aabahan ayaa ka helay sida cajiibka ah ee uu Allah uga cabsaday wiilkani, waxa uu ku casuumay girigiisii, waxaanuu u hibeeyay gabadhii uu Ilaahay dartii u wanaajiyay.. Intii uu wiilkani habeen kaliya xumaan ku samayn lahaa waxa uu ku guulaystay inuu nolosha dhan la wadaago waligii. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|