Dawladdu Wax Way Qabatay Waanay Qabanaysaa Wax Badana Way Ilduufaysaa Mucaaridka Waxaan Leeyahay Adkaysi U yeesha Inta la Gaadhayo Wakhtigii Mucaaridada Xoogan Loo Baahnaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladdu Wax Way Qabatay Waanay Qabanaysaa Wax Badana Way Ilduufaysaa Mucaaridka Waxaan Leeyahay Adkaysi U yeesha Inta la Gaadhayo Wakhtigii Mucaaridada Xoogan Loo Baahnaa
December 11, 2014 - Written by Editor:

Dawladdu Wax Way qabatay Waanay qabanaysaa Wax badana way ilduufaysaa Mucaaridka waxaan leeyahay Adkaysi U yeesha inta la gaadhayo Waqtigii Mucaaridada Xoogan Loo Baahnaa

Sida La Ogsoon yahay Mucaaridadu Waa Toosin Hadba wixii ka Qaloocda Xukuumadda Mucaaridkaa Toosiya oo yidhaahda Dalalka Dimuqraadiyadda sideena oo kale ku dhaqma Mucaaridkaa wax Toosiya Dawladdana waa inay Adkaysi u yeelataa Wixii ay ku Khaldantahay Haddii la sheego U Jawaabista Badan ee dawladdu Waxay ahayd Inay Timaado Wakhti dheer ka dib markay dalka Haystaan 8 sanno ama dadku Waxqabadkooga ay Saluugaan Balse waxaan Odhan Karnaa wakhtigan Dawladdu waa inaanay U Jawaabis Badan u yeelanin Mucaaridka .

Mucaaridkana Waxaa Loo Baahanyahay inay Joojiyaan Aflagaadooyinka Marwooyinka iyo Dawladda Laf ahaanteed oo iyana mar marka qaar Aflagaadeysa Dumarka ku Jira Xisbiyadda Mucaaridka ah waana Dhaqan Xumo waayadan Danbe iyo Horeba u jirtay.

Dawladda in lala Tartamaa Ceeb maaha oo haddii Waxqabad la helo Waxaa Dhiman Wixii ugu Miisaanka weynaa Dadka Reer Somaliland ay Rabaan oo ah Ictiraaf Beesha Caalamka Dawladdu yaanay odhanin Waxqabad ayaanu Samaynay oo Yaa Doonayay Waxqabad Keliya waxa jirta Eex Balaadhan oo indho la,aan ah Horena waan u sheegay Waxaana dhici Karta Sanadaha soo socda inay arrimahaasi qaranka Dhan ay saamayso Haddii aan Xal loo helin Eexda, Cadaalad Darida iyo Cabudhinta Saxaafadda oo Noqotay Shay Caam ah oo Laga Dheregsanyahay Halkay Marayso.

Dimuqraadiyadda dhinacyadda ay wax ka eegaan Dalalka Reer Galbeedka ama kuwo inaga caawiya Doorashooyinku waxay ka eegaan Dalalka Dimuqraadiyaddu ka tisqaaday Madax Banaanida Saxaafadda Freedom of Expression ama Freedom of Speech haddii taasi la waayana la Odhan maayo Waddooyin ayay dhisteene sida Dastuurkeenu dhigayo ayaa lagula xisaabtamayaa waxaana lagu leeyahay Cabudhin lagaa yeeli Maayo .

si Kastaba ha ahaatee Dawladdu waxaad Moodaa inay Saxaafadda Somaliland Siddii loo adeegsan lahaa Dhinaca wanaagsan ay ka Majare halowsantahay Mucaaridkuna Meelaha ay ka helayaan Jaanis waxaynu odhan karnaa Dawladdaa Jaanis Siinaysa .

 

Qalinkii Mohamed Mussa inji

Hargeysa Somaliland

mahamad95@hotmail.com

COMMENTS
LINKS