Dalalka Ethiopia Iyo Kenya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Daryeelayo Dadka ku Nool Xadka Labada Waddan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalalka Ethiopia Iyo Kenya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Daryeelayo Dadka ku Nool Xadka Labada Waddan
December 11, 2014 - Written by Editor:

Nairobi:(Wajaalenews)-Xukuumadaha Ethiopia iyo Kenya ayaa kala saxeexday Heshiis ujeeddadiisu tahay sidii fursado loo siin lahaa dadka shacabka ah eek u Nool Xuduudda labada waddan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo heshiiskan ka dhawaajiyay ayaa sheegay in uu wax badan ka tari doono xasiloonida iyo sugida amniga deegaanadaasi oo muddooyinkan dambe xaalad colaadeed ka jirtey.

ITOOBIYA IYO KENYA

Mr Kenyatta oo shalay kulan la yeeshay danjiraha Ethiopia u fadhiya dalka Kenya Ato Shemsedin Ahmed ayaa waxa uu u xaqiijiyay in dowladiisa ay hirgalin doonto heshiiska ay kala saxeexdeen labada wadan.

Dhinaca argagixisada, ayuu madaxweynaha sheegay in Kenya ay u soo u heellantahay in ay ka guuleysato, isla markaana maamulkiisa uu sii wadi doono wada shaqeynta dalka ay xadka wadaagaan ee Ethiopia oo sidoo kale daris la ah Somalia.

Safiirka Ethiopia ayaa madaxweynaha uga tacsiyeeyay dadkii lagu xasuuqay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Deegaanka Mandheera, waxaana uu sheegay in dowlada Ethiopia ay si dhow ula shaqeyn doonto dhigeeda Kenya, si loo xaqiijiyo nabadgalyada.

Ambasador Ahmed ayaa hoosta ka xariiqay in isku dhacyada beelaha ee ka dhaca xadka Ethiopia iyo Kenya ay qeyb ka yihiin amni darada.

Waxa uu sidoo kale dhankiisa balan qaaday in xukuumada Addis Ababa ay hubin doonto sidii loo meel marin lahaa heshiiskan.

Ugu dambeynna safiirka Ethiopia oo dhawaan xilkaas laga wareejin doono ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu hambalyeeyay nafiska uu ka helay in kiiskiisi maxkamada ICC meesha laga saaray.

 

COMMENTS
LINKS