DAAWO;Xukumadda Kulmiye Abaal Ma Leh,Ajarna Ma Leh, Ballanna Ma Leh …Awdal Iyo Salalow Somaliland Waa Nuxurka, Waa Dhabarka Iyo Xanjaadka Labadeenaa Gobol”Xildhibaan Cali Aareeye’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xukumadda Kulmiye Abaal Ma Leh,Ajarna Ma Leh, Ballanna Ma Leh …Awdal Iyo Salalow Somaliland Waa Nuxurka, Waa Dhabarka Iyo Xanjaadka Labadeenaa Gobol”Xildhibaan Cali Aareeye’
December 14, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa Xukumadda Kulmiye ku eedeeyay mid aan lahayn Abaal,Ajar iyo Balan toona. Waxa uu dhanka kale ugu baaqay Bulshada Awdal iyo Salal inaanay tabashadoodu noqon mid ka hortimaada Somaliland “Xukumadda Kulmiye Abaal ma leh,Ajarna ma leh, Ballanna ma leh. Waxa Bari iyo galbeedba ka dhacayaa maanta waa Dildilaacii Xisbiga Kulmiye, waxa uu marayaa halkii u dambeysay” ayuu yidhi XIldhibaan Aareeye

Xildhibaan Aareeye waxa uu dardaaran xooggan u jeediyay Bulshada Reer Awdal iyo Salal oo uu ugu baaqay inaanay Cabashada Xukumadda Kulmiye u horseedin inay Somaliland waxyeelaan “Waxaan leeyahay Dadka Awdal iyo Salal degow, tabasho waa la taban karaa, waa la xisaabtami karaa, Xukumad kasta oo jirtana waa lala xisaabtami karaa oo tii Ina Riyaale ee idinka soo jeedayba waad la xisaabtamayseen. Cabashadu maaha inay keento Rasaas, RRU iyo Ciidan Qol u jeed la geeyo, Xukumaddu waa inay Cabashada dhego yeelataa.

Meeshan Somaliland baa lagu heshiiyay, anagu markaas ma rabno Awdal iyo Salaleey, Cabashadiinu inay noqoto mid Somaliland ka horjeeda.Somaliland waa Nuxurka, waa Dhabarka iyo Xanjaadka Labadeenaa Gobol.Nimankan Gobolada dhexe degaa Kola Koonfur bay inala tagayeen kolba meel bay inala tagayeen waan iska diidnay, inagu waxaynu ku adkaysanaynaa Somaliland, iyagu dhankay doonaan ha u socdaan.Imika waxaan Maqlayay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ayaa dhawaan ku shiri doona Jabuuti.

Markaas Awdal iyo Salalow waxaan idinku dardaarayaa waar dhexdiinana heshiiya oo dad wada jira noqda oo afka ku kala goosta, Dawladdana waa khasab tabashada iyo La xisaabtan laakiin kuma jirto Meesha anagu Gobol gaara ayaanu nahay oo Somaliland ma nihin meesha kuma jirto. Inagaa Somaliland leh oo waliba Reer Boorama ayaa leh, oo Boorama aasaasay halkaas baa lagu dhisay ee ha isku khaldina cabashada iyo Somaliland” ayuu yidhi Cali Aareeye.

Xildhibaan Cali Aareeye ayaa Bulshada Gobolada galbeed ee Somaliland ku waaniyay inay u dulqaataan Xukumadda Kulmiye ee wakhtiga yari u hadhay islamarkaana aanay jirin Xukumad wakhtigan loo cawdo.

 

COMMENTS
LINKS