DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
December 2, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray Daar cusub oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Munaasibada xadhig ka jarista oo ku qabsoontay Xarunta Wasaaradda Boosaha waxaa goob joog ka ahaa Madaxeynaha oo ay weheliyaan xubno Golihiisa Wasiirada ka tirsan,Masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha,Madax Shirkaddaha Isgaadhsiinta ka socday, Masuuliyiin kale iyo Marti sharaf tiro badan.

DSC_0031DHISMAHA WASAARADA BOOSAHA

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha Faysal Cali Sheekh, ayaa dhismahan cusub ku tilmaamay wax qabadyada Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo tilmaamay inay horumar balaadhan ku talaabsatay “Waxaa runtii makhraati ma doon ah oo dad badani yidhaahdaan Xukumaddani waxba may qaban ee waxbay iska sheegtaan oo way faantaa, xaqiiqatan anigu Suxufi baan ahaa oo dadkii Xukumaddaha wax ka qori jiray ka mid baan ahaa, waxaa xaqiiqo ah inka yar bil gudaheed lix mashruuc oo cusub ayuu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray oo ay ka mid tahay Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta” ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee wada shaqayntu ka dhexaysaa ka horeeyaan Wasaaradda “Waxa runtii dalka ka jira Shirkado badan oo isgaadhsiineed oo Waaweyn oo ay kala koreen Shirkaddihii iyo Hay’addii Sharciga iyo nidaamka u qaabilsanayd dawladda oo ay runtii isku noqdeen Xidigo iyo wax dhulka jooga.markaa waxaanu isleenahay gaadhi kari mayno Xidigaha ee inaanu ku dhawaano oo dhawr talaabo kor u qaadno”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo isna ka hadlay Munaasibada furitaanka ayaa sheegay in dhawaan la suuro galin doono Qalab xisaabinaya mirarada iyo wakhtiga Shirkaddaha isgaadhsiintu isticmaaleen si ay u sahlanaato in la cashuuro.

Wasiirku waxa uu sheegay in kala hormarsanaanta Shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo Wasaaraddu keentay in daartan casriga ah loo dhiso Wasaaradda “Waxaanu shaqo ka dhiganay intaanaan Barnaamijyo iyo Shirkaddaa Lacag la maqan iyo na siiyaan ka sheekayn inaanu samayno halkii aanu fadhiisan lahayn oo u eeg ama ugu yaraan u dhaw Shirkaddaha aanu doonayno inaanu wada shaqayno ama Nidaamka qaranka aanu ku ilaalinayn oo aanu sinaano halkii aanu caggahooda uu ka arki lahayn”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isna ku tilmaamay Dhismahan mid ka mid ah talaabooyinka hore loo qaaday ee Xukumaddiisu hirgalinayso “Farxad aad iyo aad u wayn ayay runtii ii tahay inaan Maanta ka soo qayb galo Xafladdan furitaanka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ahmiyad weyn qaranka u leh. In muddo ahba weynu Ogayn oo waxaynu furaynay Wasaaraddo badan,Hay’addo badan iyo Waddooyin badan oo horumarka dalka ku saabsan.markaa aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka iyo Shaqaalaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta, aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka Maaliyadda, markaa waxaan leeyahay Alle hawsha ha inoo fududeeyo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Masuuliyiin ka socday Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel,Wasiiradda Maaliyadda,Arimaha gudaha, Hawlaha guud iyo Gudoomiye xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, ayaa madasha ka hadlay kuwaasi oo soo dhaweeyay dhismaha wasaaraddan, iyagoo sidoo kalena Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo amaan u jeediyay.

 

 

COMMENTS
LINKS