DAAWO “Xukuumadani waa Xukuumada Musuq-Maasuqa iyo Cabudhin,Dalka Xaraash ayaa ka jira”Jamaal Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO “Xukuumadani waa Xukuumada Musuq-Maasuqa iyo Cabudhin,Dalka Xaraash ayaa ka jira”Jamaal Cali Xuseen
December 28, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)-Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali xuseen ayaa ka hadlay digniintii uu hotelda  Magaalada Berbera kaga joojiyay inay mucaaridku xaflado u qabsan karaan hudheelada waawayn ee magaalada Berbera.Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay dawladii masumaasuqa iyo cabudhinta,waxaanu fariin u diray badhasaabka gobolka Saaxil.Waxa uu xukuumada ka codsaday inay sharciga isticmaalaaan,Waxaanu sheegay in xukuumada Axmed Siilaanyo baro dhaafisay Rajiimkii Siyaad Bare.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Waxa uu sheegay in gobolka Saaxil yahay goobaha dhaqaaluhu ka soo galo dalka,waxaanu tilmaamay in dalka xaraash ka jiro oo ay xukuumadii ka horeysay ka darantahay.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS