Daawo: Duqayntii Diyaaradaha Israel Ee Dalka Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Duqayntii Diyaaradaha Israel Ee Dalka Suuriya
December 8, 2014 - Written by Wariye:

Dimishiq (Wajaalenews):- Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa duqayn xoogan ka gaystay goobo ku yaala duleedka magaalada caasimadda u ah dalka Suuriya ee Dimishiq, waxaana la arkayay meelihii duqayntaasi lagu bar tilmaameedsaday oo dab iyo olol ka kacay.

Dawlada Suuriya ayaa shaacisay duqaynta diyaaradaha Israel ee lagu bar tilmaameedsaday sida ay sheegtay Suuriya labo goobood oo mid ku taalo duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, laakiin tiradda khasaaraha lama sheegin, sidoo kale dawlada Israel Ayaan iyadu ka hadal duqaynta diyaaradaheedu ka fuliyeen dalka Suuriya.

 

 

Hargaysa Office
Wajaalenews
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS