Daawo: Caasimadda Faransiiska Ee Paris Oo Laga Mamnuucayo Gaadiidka Ku Shaqeeya (Diesel)-ka Naaftada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Caasimadda Faransiiska Ee Paris Oo Laga Mamnuucayo Gaadiidka Ku Shaqeeya (Diesel)-ka Naaftada.
December 9, 2014 - Written by Wariye:

Paris(Wajaalenews):- Sharci cusub ayaa laga soo saaray gaadiidka ku shaqeeya shidaalka Naaftada ee caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, waxaanu sharcigaasi dhigayaa in sanadka 2020-ka marka la gaadho, gabi ahaanba mamnuuc ay ka noqon doonaan gaadiidka Naaftada ku shaqeeya wadooyinka Magaalada Paris.

In kasta oo rayigan lagu kala qaybsamay oo dadka qaarna soo dhaweeyay, kuwo kalana u arkaan sharci kalifaad ah, waxa haddana ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo yarayn lahaa wasakhowga hawada oo magaalada Paris ka mid tahay meelaha ugu xun dunida, sida ay sheegtay Mayarka magaalada Paris, Anna Hidalgo oo iyadu olole wayn ka gashay sidii sharcigan u meel mari lahaa.

Hargaysa Office
Wajaalenews
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS