|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Soo Qabtay 51 Doonyood Oo Dad Ajaanib Ahi Ku Kaluumaysanayeen
December 17, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa maanta sheegay in ciidankiisu hawlgal ay qaadeen ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib ah oo si sharci darro ah kaga kalluumeysanaayay xeebaha Somaliland. Taliyaha ayaa sheegay in 51 doon oo laga leeyahay dalka Yaman iyo markab laga leeyahay dalka masar ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa min Maydh ilaa lughaya, ee ka tirsan Somaliland. Taliyuhu wuxuu BBC u sheegay in doonyahaasi iyo markabkaasi oo ay saarnaayeen 257 qof oo baxaari ahi ay si sharci darro ah uga guranayeen badda somaliland kalluunka iyo kheyraadka kale hatana ay ku xidhanyihiin magaalada Berbera. Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga. Dadkan ajaaniibta ah ee la xidhay ayaa la horgeyn doonaa sharciga sida uu sheegay Admiral Axmed Aw Cismaan. Kalluumeysatada maxalliga ah ee deegaanada Somaliland ayaa beryahan danbe waxay ka cabanayeen maraakiib iyo doonyo jirriif ah oo shisheeye oo xaalufinaya kalluunka badda oo si sharci darro ah u guranaya.
Related posts:Golaha Guurtida Oo Laba Maalmood Oo Isku Xiga Codsiyo Kala Fog U Soo Diray Golaha Wakiilada, Khilaaf... Golaha Guurtida Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Deeq Bixiyaasha Taageera Dawlada Soomaaliya DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hanjabaad Culus Udiray Cida Lagu Arko Meheradahooga Oo Furan, ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|