|
|||||
WAJAALE NEWS
Carruurta Xarunta Agoomaha Oo Ka Gadooday Garoonkii Kubadda Cagta Oo Laga Baabi’iyey Cid Gaarana Laga Iibiyay,+Daawo Sawiro
December 13, 2014 - Written by Editor:“Dawladdu Waxay Doonaysaa In Aanu Tahriibno” Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa HARGEISA(Wajaalenews);Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga gadoodeen garoonkii ay kubadda cagta ku ciyaari jireen oo la sheegay in laga dhisayo dugsi Farsamo gacanta ah, kaas oo lagu soo rogay dhagaxaan iyo ciid, isla markaana laga gooyey birihii goolka ahaa. Carruurtu waxa ay sheegeen in ay la kulmeen maamulkooda oo ay weydiiyeen sababta kelliftay in garoonkii kali ahaa ee ay lahaayeen la baabi’iyo, lagana dhiso dugsi iyadoo ay xarunta agoomuhu haysato dhul kale oo bannaan oo aanay jirin dan ku kallifaysa garoonka, waxaanay xuseen in maamulkoodu u sheegay in madaxtooyadu wadato hawsha oo aanay shaqo ku lahayn. Carruurtu waxa kale oo ay sheegeen in Xarunta Agoomuhu ay lahaan jirtay Iskuul Farsamo gacanta lagubaran jiray, laakiin hadda uu yahay Geerash uu nin ganacsade ahi haysto. Carruurta oo shalay gelinkii dambe mudaharaad ka dhigay garoonka dhexdiisa, ayaa waxa ay Madaxtooyada ka codsadeen in garoonkooda loo daayo, isla markaana meel kale laga dhiso dugsiga. “Waxaay dawladdu doonaysaa in aanu tahriibno sababtoo ah waxaa dhisme laga bineeyay oo laga jeexay dhisme nalagu yidhi waxaa laga dhisayaa dugsi farsamada gacana ah garoonkii kali ahaa ee aanu ku ciyaaranay kubadda cagta, kii kale ee Dhalintana waxaa qaatay Turkiga oo lacag ayaa lagu gelayaa markaa, lacag aanu ku galnana ma haysanno. Markaa miyaanay dawladdu doonayn in aanu tahriibno.” Ayuu yidhi mid ka mid ah carruurta ku sugan xarunta agoomaha Hargeysa oo galabta ka gadooday isla markaana muddaharaad cabasho ah ka dhigay garoonka kubadda cagta ee Dhalinta Hargeysa oo xilligaa ay taallay ciiddii iyo dhagaxaan. Carruurta xarunta Agoomaha ee Hargeysa ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda Waxbarashadu in ay masuul ka yihiin baro-kicinta carruurta isla markaana ay Madaxtooyaddu waddo qorshe ay doonayso in ay carruurtu ku tahriibto. “Madaxtooyada iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka masuul ah baro-kicinta carruurta waxaanay diyaar u yihiin sidii ay carruurta u kicin lahaayeen ee ay dalka uga tahriibi lahaayeen, wax garoon ah oo aanu ku ciyaarno kan oo kaliya ayaanu haysanay oo ahaa garoonkii labaad ee Dhalinta, imikana waxaa la leeyahay waxaa laga dhisayaa iskuul farsamada gacanta ah, haddii iskuul farsamada gacanta ah la dhisayana meel looma waayin oo xaruntu dhul badan oo bannaan ayay leedahay, waliba waxay leedahay halkii loogu talo galay dugsiga farsamada gacanta ee xaruntan oo ah geerash nin iska haysto, maxaa geerashka looga rari waayey ee garoonka loo dhisayaa?” Carruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa oo dareenkoodu aad u kacsan yahay waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ay wax ka weydiiyeen guddoomiyaha xarunta agoomaha Hargeysa isla markaana ay u sheegtay in aanay waxba kala socon. “Guddoomiyaha Xaruntayda waanu weydiinay waxaanay noo sheegtay in aanay waxba kala socon oo ay arrintu ka timi meel iyada ka sarraysa, markaa waxaanu leenahay Madaxtooyadu ma go’aan ay gaadhaybaa in aanu wada tahriibno mise waxay joojin doontaa bixinta iyo hadba wax ka dhisidda garoomadda.” Ayay carruurtu hadalkooga ku soo gunaanadeen
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Halkan ka daawo madaxwayne kuxigeenka oo manta salaadii roob doonta ku tukaday garoonka dhalinta ee ... Daawo: Siyaasi Cabdilaahi Cirro Oo Ka Hadlay 16 Eedaysane Oo Maxkamadi Xukuntay Oo Ay Cafiyeen Masuu... Xildhibaan Siciid Gaane Oo Sheegay In Culaysyo Dibedda Kaga Yimid Madaxweyne Biixi Ku Kallifeen Hada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|