|
|||||
WAJAALE NEWS
BUUQ SAMAYSIGII XISBIGA WADANI OO CEEB KA QAADEY DAGMADA MAXAMUD HAYBE,MAXAMED MOOGE IYO SALLAXLEY; Qalinkii Axmed Xasan Cilmi (Daacad)
December 26, 2014 - Written by Editor:Marka Hore Waxaan Salaamaya Dhamaan Saxaafada Madaxa banaan,Sidoo Kale Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacbiga S/land Waxaan Doonayaa In Aan Ka Hadlo Arin Cajiib ah oo Maanta Ka Dhacdey Xaflad Xisbiga WADANI Ku Magacaabey In Uu Ku Soo Dhaweynayo Taageerayaal ka Soo Jeeda Maxamud Haybe,M.Mooge Iyo Sallaxley, Kuna Qabtey Hotel Ambassador Sidaa Daraadeed Waxaan Ku Kalahey Hotel Ambassador Waxaan Ugu Tagey Dumar Calamo Ku Xidh Xidhaya Hoolka Loogu Talo Galey In Xaflada lagu Qabto,Waxaan Weydiiyey Dumarkii Hoolka Calamada Ku Xidh-Xidhayey- Walaal Xilima Ayaa La Imanayaa Xaflada?Waxay Gabadh Ka Mid ah Kuwa Calamada Xidh-Xidhayey ay iigu Jawaabtey Walaal ilaa 10:30 Subaxnimo ayey Imanayaan,Waxaan Ugu Jawaabey Waayahey Waxaan Iska Fadhiistey Mutule Hotelka ka mid oo Numberkiisu Yahey 2 Waxaanan Dalbadey Shaah iyo Quraac,Markii aan Dhamaystey Quraacdii ilaa Abaaro 10:11 Daqiiqo Ayaa Waxaan u Soo Baxay Debada Waxaanan Arkey Masuuliyiin Badan oo ka Mid Sadexda Xisbi Qaran oo ay Ka Mid Ahaayeen Muuse Biixi,C/raxmaan ciro iyo Faysal C Warabe oo Gaar Gaar Aan u Salaamey Mid walba Halkii Aan Kula Kulmey, Waxaana iigu Danbeeyey Muuse Biixi oo aan Weydiiyey Su,aal Maxaa Maanta Jira Weydinkan Dhan ahe? Waxaana Muuse Biixi ii Sheegay In Ay Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Solja u Yimaadeen Si Ay Uga Qayb galaan Munaasibadaa Ka Dib Waxaan Galey Hoolkii Qasdigeygu Ahaa ee Xaflada WADANI Lagu Qabanayey oo ay Joogaan Dumar iyo Dhalinyaro, Waxaanan Weydiiyey Nin Dhalinyaro ah oo Kadinka Kula Kulmey, Adeer Dadkii Maxaa Ku Dhacey ?Waxaa uu Si Dag-Dag ah iigu Jawaabey Basaskii Imika ayey New Hargeysa Ka Soo Dhaqaaqeen Waan Yaabey !!!!!!!!!!!!!! Waxaan Hadana Ku Celiyey Oo Adeer Meeye Dadkii Maxamuud Haybe ka Imanayey iyo Maxamed Mooge?Wuxuu iigu Jawaabey Basaskii Saaka Loo Direy Wey Soo Fuuli waayeen Markaa Imika Waxaa laga Soo Buuxiyey GACAN-LABAAX oo Anaga ayaa Kii Ugu Horeeyey Soo Buuxiney Oo Imika Ka Dagney CajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiB !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Intaa Ka Dib Waxaan u soo baxey Debeda Waxaanan Indhaha Ku Dhuftey Nin Dhalinyaro Ah oo Abti Loo Yahey oo ka Yimid Dagmada Sallaxley Kana Soo Jeeda Go,da Weyn, Waxanan Weydiiyey Waar Maxamed Yaa Kaala Yimid Dagmadii Sallaxley ?Waxaanu iigu Jawaabey Waxaa ila Socdey Gabdhii Khadar Yusuf Intaa Ka Dib Markey Sacaadu Tahey 11:00 Ayaa Basaskii Yimaadeen ,Waxaana Ka Soo Dagey Dhalinyaro ,Waxaanana Aan Ku Noqdey Hoolkii Xaflada, Xafladii Ayaana Bilaabantey Iyada oo BUUQ IYO SAWAXAN ka Horeeyey Lays Canaanayey IBRAAHIM MAHD IYO XUSEEN XOOG oo Lahaa Waar Dadkii Mee Waamaxay Caruurtani Ugu Danbeyntii Maanta Waxaa Dadka Daga Dagmooyinkaasi u Quus Gooyeen Xisbiga Wadani Markaa Laga Reebo Dadkii iyaga Hore Uga Midka Ahaa,Shacbiga S/landna Waxaa u Cadeynayaa In WADANI uu Yahey INDHO SARCAAD Dadka Qurbaha iyo Goboladaba Ku Khaldayaan Ee Please ama Fadlan ila soo Hubiya
Axmed Xasan Cilmi (Daacad) ——————- COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|