Britain:Haweenay Cudurka Ebola La Ildaran Oo La Qabtay Iyo Baadi-goob loogu jiro Dadkii Xidhiidhka La Sameeyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Britain:Haweenay Cudurka Ebola La Ildaran Oo La Qabtay Iyo Baadi-goob loogu jiro Dadkii Xidhiidhka La Sameeyey
December 30, 2014 - Written by Editor:

Glasgow:(Wajaalenews)-Haweenay Kalkaaliso caafimaad ah oo kasoo socdaashay Dalalka Galbeedka Afrika, ayaa lagu arkay Xanuunka Ebolaha Gudaha Magaalada Glasgow ee Dalka Britain.

Haweenaydan oo magaceeda la qariyey, ayaa la sheegay inay kasoo kixitantay Magaalada Kerry ee daka Sierra Leone, waxana diyaaraddii siday soo martay Tiro garoono ah ka hor intii aanay Soo Gaadhin Magaalada Glasgow.

haweenay ebola

 

Xoghayaha caafimaadka Britain Jeremy Hunt ayaa sheegtay in la karantiilay haweeneydaas lana baadi goobayo dhammaan dadkii ay xidhiidhka la samaysay gaar ahaan kuwii diyaarada kula soo safray iyo Qoyskeedii kaleba.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 6,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Dalalka kale ee fayruska Ebola gaadhey dadkana ku diley waxaa kamid ah Nigeria iyo Maraykanka.

COMMENTS
LINKS