DAAWO;Aqoonyahanka, Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse Oo Gudidii Horu Marinta Beesha ku Eedeeyey In Ay Ka Leexdee Ujeedadii Loo Igmaday;DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Aqoonyahanka, Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse Oo Gudidii Horu Marinta Beesha ku Eedeeyey In Ay Ka Leexdee Ujeedadii Loo Igmaday;DAAWO SAWIRO
December 18, 2014 - Written by Editor:

Murashaxnimada Qaranka Somaliland waa mid aanay go’aankeeda iska lahayn guddi horumarineed oo reer doortay

HARGEISA(Wajaalenews) Dhallinyaradda reer Hargeysa ee ka soo jeeda beesha Sacad Muuse, ayaa gaashaanka ku dhuftay baaq dhawaan ka soo baxsay guddida horumarinta beesha Sacad Muuse oo sheegay inay soo kala saareen murashixiin loolan ugu jiray kursiga Madaxtinimada Qaranka Somaliland.

dhalinyaro ggg

Dhallinyaradan oo maanta Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Huteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, ayaa muujiyey sida ay uga soo horjeedaan go’aanka ka soo baxay Guddidan oo ku dhawaaqay inay hal murashax isugu raaceen, taasoo ay ku tilmaameen Guddidu ay gabtay hawlihii beeshu u igmatay, isla markaana ay ka shaqeynayaan hawlo aan loo diran oo siyaasadaysan iyo inay beesha ka dhex abuuraan muran iyo khilaaf.

Mr. Axmed Maxamed Axmed (Ciisood), ayaa isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi ; ”Maanta waxaanu halkan isugu nimi in aanu ka hadalno, arrin in muddo ah socotay oo la xidhiidha in guddidii loo doortay horumarinta beesha Sacad Muuse oo soo xulay murashaxa isugu taagi doona tartanada doorashada Madaxtooyadda ee soo socota, sidaa daraadeed marka hore anaga oo ka hadlayna guddidan, waxay ahaayeen guddi loo doortay siday uga shaqeyn lahaayeen horumarinta beelaha Sacad Muuse, markaa waxaanu hadda aragnaa in guddidaas ay hadda ka weecdeen darriiqii loo doortay iyo in ay ku mashquuleen siyaasad iyo inay reerka ka dhex abuuraan khilaaf, waxaanu guddida u sheegaynaa in iyaga oo ilaa muddo in ku dhaw laba sannadood ay dhisnaayeen in aanay maal kaliya soo hadal qaadin wax ku saabsan hawlihii loo igmaday oo ahayd inay ka shaqeeyaan horumarinta beesha , haddaba iyada oo ay sidaas jirto in haddana tallaabadii u horreysay ee ay qaadaan ay tahay inay beesha isu diraan oo madaxa isugu galiyaan, iyaga oo sheegaya inay hal murashax wataan, beeshuna way ka balaadhan tahay in murashax kaliya ay yeelato, murashixiinta beeshu way farabadan yihiin, markaa ma haboona in iyagu hoggaankii iyo hawlihii loo igmaday intay ka baydhaan oo ay dano gaar ahaaneed dhaafsadaan masiirkii beeshu u dooratay, markaa waxaanu guddida u sheegaynaa inay masiirkii ka leexdeen, waxaanan odhan karaa in hawsha murashaxu ay tahay mid u taalla Xisbiga Kulmiye sida ay u kala saarayaan cida noqon doonta murashaxa rasmiga ah ee isu taagi doona kursiga Madaxweynaha dalka, balse waxaan aanay arrintan ahayn mid guddida beesha u taal, markaa waxaan guddida leeyahay darriiqii la idiin doortay waad ka leexateene, ku soo noqda darriiqa saxda ah, haddii aad arrintaas ku adkaysataana, annaga ka dhallinyaro ahaan waxaanu leenahay waxaanu qaadi doonaa tallaabo ka duwan ta aad hadda qaadeen,” ayuu yidhi Axmed CIisood.

axmed ciisood 1

Sidoo kale, Cabdifataax Tuute-weyne oo ka mid ah dhallinyaradda ka soo jeeda beesha Sacad Muuse, ayaa isaguna sheegay in shirka jaraa’id ee ay qabteen uu yahay mid ay ku dedefaynayaan guddida horumarinta beesha Sacad Muuse oo uu sheegay inay hal shakhsi oo noqon doona murasha beesha ay ku soo doorteen, waxaanu yidhi; “Runtii guddida horumarinta beesha Sacad Muuse oo ay ku wada jiraan Cuqaal, Salaadiin, Culimo’udiin iyo Aqoonyahanba oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Xasan, waxaan arrintaas ka leeyahay in guddidan ay yihiin guddi ka ballaadhan inay hal shakhsi ku soo xushaan, mida kale halka shakhsi ay soo sharaxeen ma aha shaqo iyaga u taalla, cida murashaxa noqon doontaa waa cida u tartami doonta kursiga u sarreeya ee qaranka, balse looma tartamayo beesha, dhinaca kale ma haboona in guddidu murashax isku raacdo, iyada oo aanay guddidu u dhanayn hawshaas, sidoo kale arrinta guddidu ku dhawaaqday waa mid sumcad darro weyn u horseedaysa sharaftii iyo milgihii beeshu lahayd, halka guddiyadda kale ee beeluhu ay ku hawlan yihiin siday xil weyn isaga saari lahaayeen ugana shaqeyn lahaayeen dhinaca horumarinta beelahooda, markaa waxaan leeyahay guddidu gebi ahaanba way ka leextay waxyaabihii loo doortay, sidaa daraadeed hadalka guddida ka soo yeedhay anigu waxaan leeyahay.

iid dhalinyarada 2

Mr. Iid Ismaaciil Cabdi, ayaa isaguna halkaas ka hadlay; “Horta Illaahaybaa mahad leh inaynu isugu nimaadno shirkan jaraa’id, markaa waxaan doonayaa inaan ka hadlo hadalo muddooyinkan dambe ka socday saxaafada iyo warbaahinta ee ah arrinta beesha Sacad Muuse, run ahaantii cid kasta oo ku abtirsata odaygii (Sacad Muuse) waa mid la wada leeyahay, markaa annagu fikirka aanu qabnaa waxa weeyi reerku wuu ka balaadhan yahay in shakhsiyaad kooban la yidhaa waxay u sharaxan yihiin beesha iyo iyada oo la leeyahay guddidu waxay kala saartay niman murashixiin ah, sidaa daraadeed waxaan leeyahay Muuse Biixi Cabdi waa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaan leeyahay waxaad guddoomiye u tahay Qaranka oo dhan, balse guddoomiye umma tihid beesha Sacad Muuse, halka qolooyinka kale ee mas’uuliyiinta xilka hayaa, Mas’uuliyada reer uma haysaan ee Qaran oo dhan ayaad u haysaan, markaa waa in dhinac kastaa ku ekaadaa mas’uuliyadiisa, iyada oo waxkastaaba ay leeyihiin marxalad, run ahaantii waxaan leeyahay guddida, waxa jira dhibaatooyin farabadan oo ka jira qoysas baahan oo ay mudan tahay in laga shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa, runtii guddida horumarinta beelaha Sacad Muuse waxaan leeyahay, mas’uuliyadii la idiin igmaday waad dhinac marteeen ee bal dib isugu noqda, beelaha kaleba way leeyhiin guddi horumarineed, balse marnaba laga maqal iyaga oo leh waxaanu isku raacnay in hebel noo noqdo murashaxa , markaa magaca waynu wada leenahay ee ha la ilaaliyo, isla markaana ha laga ilaaliyo wixii magac-xummo iyo dhalliil u soo jiidaya, sidaa daraadeed waxaan leeyahay guddidu ma aha kuwa go’aamiya cida murasha noqon doonta iyo inay shakhsiyaad ku soo koobaan, waxaanan leeyahay murashixiintu way ka badan karaan shakhsi oo tusaalle ahaan aniga ayaaba ah murashax wax iga hor istaagayaana ma jiraan, ugu dambayn waxaan hadalkayga ku soo gebagebaynayaa in cidkasta sida ay waajibaadka la saaray ay uga soo baxdo ay tahay arrinta u horseedi doonta inuu noqdo murashax iyo kolba sida uu u kasbado bulshada uu ka soo jeedo, waxaanan si weyn u taageersanahay meesha ay ka istaageen Wadaadadii ka midka ahaa guddida ee sheegay in gebi ahaanba la majaro-habaabiyey hadafkii iyo ujeedooyinkii loo aasaasay ururka beesha horumarinta Sacad Muuse oo laga dhigay mid u adeega dhinaca siyaasada,” ayuu hadalkiisii ku soo gunnaanaday Mr Iid.

dhalinyarada qaarkamida 1

Ugu dambayn Mr. Muumin Daahir Kaahin, oo isaguna shirkaa jaraa’id oo ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada guddida loo doortay ay gebi ahaanba ka soo horjeedo hadafkii loo doortay, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay anaga oo ah dhallinyaradii siyaasada ay guddidu ka hadleen ay tahay mid aan iyaga laga sugayn, balse ay hawshaas u taallo Xisbiga Kulmiya, markaa waxaan taageeranahay mowqifka ay arrintan ka istaageen Wadaaddu, sidaa daraadeed haddii aanu nahay dhallinyaradda annagu waxaanu markasta taageeraynaa cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarinta beesha ee taageeri mayno cid dano shakhsi ah hoosta ku wadata, waxaan leeyahay Suldaan Xasan iyo odoyaasha kale ee beesha ku jira, bal dib isugu noqda, reerku wuu ka balaadhan yahay murashixiin la kala saaro iyo kana noo murashax ah’e bal dib u eega waxyaabihii la idiin doortay oo ah inaad reerka isu soo dhaweysaan, kana shaqeysaan dhinaca horumarinta beesha,” ayuu yidhi Muumin.

COMMENTS
LINKS