“Anigu Wasiir Qaran Ayaan Ahay Ma ihi Wasiir Beeleed” Somaliland oo dhan Ayaan Codka Doonayaa ;Wasiirka Arrimaah Dibada M, Yoonis | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anigu Wasiir Qaran Ayaan Ahay Ma ihi Wasiir Beeleed” Somaliland oo dhan Ayaan Codka Doonayaa ;Wasiirka Arrimaah Dibada M, Yoonis
December 17, 2014 - Written by Editor:

“Axsaabta waxaa loo samayey in lagu Tartamo, Gole dhexe Ayaa jira qof Alle iyo qofkii doonaya in uu doorasho u cararo Somaliland xisbiyada ayuu ka dhex cararayaa”

Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay go’aan ay soo saareen Guddi sheegtay in Musharaxa Beesha ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadeed ay u doortay Muuse Biixi. waxaana uu tilmaamay in uu yahay wasiir qaran oo aanu ahayn wasiir beeleed, isla mar ahaantaana qofkii doonaya in uu dalka madaxweyne ka noqdaa ay u furan tahay in uu hababka axsaabta badan ee qaranku uu leeyahay uu ka tartamo.

maxamed biixi yoonis

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta ku la hadlaayey madaarka Hargeysa, kadib socdaal uu kaga soo laabtay dalka dibadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu yahay murashax u taagan jagada madaxweyne nimada ee dalka ka dib marka uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka ka dago.

“Horta waxaad ogaata anigu wasiir qaran ayaan ahay ma ihi wasiir beeleed dalkana waxaan u imi in aan hawsha wadanka uu leeyahay ee dibada ku lug leh ee citiraafkeeda, horumarkeeda iyo dhaqaalaheedaba ka hawl galo, nin beel ka soo jeeda ma ihiyee waxaan ahay wasiir weyn oo culus oo arrimaha dibada ah oo reer Somaliland u shaqaynaaya Arrimaha yar ee beelaha ee hooseeyaana aad iima khuseeyaan”Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Markaa waxaad ogaataa dee aniga sida ay iigu muuqato wadanku hore ayaa uu u maray Axsaab ayeynu samaysanay, axsaabtaana waxaa loo samaystay in lagu tartamo, gole dhaxe ayaa jira qof Alle iyo Allaale qofkii doonaya in uu doorasho u cararo Somaliland xisbigaa halkaa taagan, ayuu ka dhex cararayaa, beelina wax ma goyso beelina anigu murashax uma ihi ee waxaan u ahay Somaliland oo dhan, waliba waxaan murashax ahay marka uu madaxweynahu uu hawshisa dhamaysto, daba deed markaa shacbiga reer Somaliland oo dhan ayaan codka ka rabaa beel yar oo kooban kama rabo”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS