Al-shabaab Oo Sharaxday Sababta Loo Laayay 36 Qof Oo Saaka Lagu Dilay Gudaha Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Sharaxday Sababta Loo Laayay 36 Qof Oo Saaka Lagu Dilay Gudaha Kenya
December 2, 2014 - Written by Editor:

Mandheera(Wajaalenews)-Ugu yaraan 36 Qof ayaa lagu dilay God macdanta laga qodo oo u dhaw Degaanka Mandheere ee Waqooyiga Kenya. Ilaa 20 Nin oo si xooggan u hubaysan ayaa weerarka gaystay sida ay sheegtay Dawladda Kenya.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii Salaasadda ayaa dhawr qof la gawracay, halka inta kalena rasaas lala dhacay, iyadoo la sheegay in dadka loo kala saarayay Muslim iyo masiixiyiin.

shabaab oo laysay kenya 2

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Weerarkan kuna tilmaamay mid labaad oo Aargoosi ah “Weerarkan u dambeeyay waa mid qayb ka ah Weeraro la qorsheeyay oo ay fulinayaan Mujaahidiintu si ay jawaab uga bixiyaan dhulka Muslimiinta ee Kenya haysato iyo tacadiyada joogtada ah ee ay Muslimiinta ku hayso, sida duqayntii ay u gaysatay dadka Soomaalid ah” ayuu ku yidhi Afhayeenka AL-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Bayaan uu Warbaahinta ugu diray Email.

Wararka ayaa intaasi ku daray in hore loogu digay Shaqaalahan macdanta oo si ay meesha uga tagaan, balse ka dib la dilay intii Masiixiyiinta ahayd.todobaadadii la soo dhaafay ayaa Al-shabaab weerar ay ku qaaday Bas waxay ku dishay 28 Qof oo Masiixiyiin ah, kuwaasi oo ka soo kicitimay Mandheera kuna sii jeeday Nairobi

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS