Akhriska iyo Qoraalka;Qalinkii Nimco Baashe Cadi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriska iyo Qoraalka;Qalinkii Nimco Baashe Cadi
December 21, 2014 - Written by Editor:

waxaynu la soconaa baryahan dambe inay soo bateen, naadiyaasha Akhriska iyo qoraalka ee ka jira wadanka gudihiisa, taasna waxay sababi kartaa in ay dadkeenu si fudud u helaan in ay waxna qoraan waxna Akhriyaan, waana xalka kaliyaa ee lagaga bixi karo jahliga iyo cilmi la’aanta, waxaa jira da’yar badan oo sanadadii u dambeeyay ku dhiiranaysa, in ay soo saaraan buugaag badan oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal gal uga dhigaan, taas macnaheeda waxaad ka dheehaneysaa in ay dhalinyaradii, u jeedsadeen in ay maskaxdooda ay tuujiyaan isla markaana ay noqodaan, kuwo ka fikiraaya dantooda iyo ta dadka, naadiyaasha ka jira waddankeena waxay si hufan u dhiirigalinayaan, dhalinyarada soo kacaysa in ay u heelan yihiin sidii ay wax u qori lahaayen waxna u akhri lahaayeen, maanta waddankeena kama jiro wax lagu tilmaamo aqoon la’aan ama cilmi darro, waayo waxaad ogtiiin in ay dugsiyadii horumareen isla markaana ay noqdeen kuwa ciida ka badan oo wax walba laga baran karo, Habeen dhawayd waxaanu ka qayb galney dood aad u xiiso badnayd oo ay soo qaban qaabisay dhalinyaro ku midoobay magaca HIIL QALIN, waxaa lagaga doodayay Akhriska iyo Qoraalka, waxaa iskugu timid dhalinyaro aad u tiro badan oo iskugu jirta, Aqoonyahaniin Qorayaal Hal’abuurayaal iyo Abwaano, waxay ahayd madel la isku arkay oo ay iskugu yimaadeen dad waa hore ay Hargeysa ugu damaysay oo uu ka mid ahaa qoraaga wayn Cadiraxmaan Guribarwaaqo iyo xubno kale, doodaa ay soo qaban qaabisay dhalinyarada aadka u da’da yar yar waxay noqotay mid aad loo xiiseeyo, xubnaha dooda loo qabtay marka laga yimaado waxaa qayb ka ahaa dadka iyagu daawadayaasha ahaa ee iskuugu yimid meesha, qof walba wuxuu dhibanaayay fikirkiisa iyo aragtidiisa ku aadan dooda meesha taalay ee laga doodaayay, waxay noqotay mid la kala boobo mikirifoonka oo uu mid walba lahaa anaa hadlaaya iyo anaa hadlaaya, dooda qodobadii ka soo baxay ee sida wayn looga dooday waxay ahaayeen,

“naadi ma shaqayn karaa isaga oo aan xafiis lahayn?

naadigu ma shaqayn karaa bilaa lacag ama bilaa kharash?

naadiyaasha Akhriska iyo qoraalka ee ka jira wadanka gudihiisa ma la kordhin karaa mise intan ayaa inugu filan?
qodobadaas iyo kuwo kale ayay noqdeen hadalkii lagaga dooday goobta, dadkii fikirka dhiibayanay markii uu qof walba dhiibtay rayigiisa, waxaa loo qayb samaya kuwo yidhaa waxaan taagersaney in aan la kordhin, “waayo kuwii hore ayaanu waxba ka faa’idi waynay ee maxay kuwa kale noo soo kordhinayaa, sidoo kale dhalinyarada qaar waxay taageereen in la kodhriyo naadiyasha Akhriska iyo qoraalka si kor loogu qaado Afkeeno Hooyo, hadaanu nahay dhalinyaradii taageertay in la kor dhiyo naadiyaasha Akhriska iyo Qoraalka ee ka jira waddankeena, waxaanu isku raacnay in la dhiso naadiyaal badan oo waddanka gaar ahaan gobolada wax gaadhsiiya, Waxaa daruuri ah in labada wiil ama labada hablood ee ku kala nool laascaanood Salal ceerigaabo ama buuhoodle iyo kuwa ku nool Hargeysa in ay isku si wax u Akhriyaan waxna u Qoraan, waxaynu raabnaa in ay dhalinteena yar yar ee inoo soo kacaysa in ay ku indho dilaac sadaan cilmi buuxa, waxayu doonaynaa in waddankeena laga cidhib tiro waxa loo yaqaan jahliga, waxaynu u taaganey in aynu dhalinteena ku nool gobolada dalka oo dhan ay ka sinaadaan waxbarashada, waa waajib in aynu qayb ka noqonaa Barnaamijka kor loogu qaadayo Afkeena Hooyo, Hadaba Akhriste sideed u aragtaa in la kordhiyo naadiyaasha Akhriska iyo Qoraalka, nala wadaag fikirkaaga ku aadan in kor loo qaado Afkeena Hooyo, waxaynu u halgamaynaa in uu Afkeenu ka mid noqdo mid lagaga hadlo waddamada Caalamka

Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS