|
|||||
WAJAALE NEWS
Afxumo Nabadna Weykaa Kaxaysaa, Colaadna Waxba Kaagama Tarto.
December 7, 2014 - Written by Editor:Waxaa mahadnaq iyo ugaaryeelid mudan Eebaheen Sareeye ee ii suurta galiyay inaan Awood, Karti iyo Wakhti u helo Qoraalkan kooban oo hadaan allah (swt) ii saamixin ina siinin Caqli, Garasho, aanan waxba Qori karneen. Intaas kadib waxaan maanta waxyar ka odhan doonnaa Qoraal ku sheeg bahdilan oo ay Qortay shabakad kusheegga Qabyaaladaysan ee Boramanews.com Qoraal kaasi oo kafog garashada caqliga saliimka ah, Beenna kasheegaaya bulsho weynta kunool Gobollada Galbeedka somaliland sida kucad ciwaankiisa. SHACABKA GOBOLADA GALBEEDKA IYO WAXGARADKOOGA OO KA XAAJOONAYA BAAQA SULDAAN ABIIBAKAR CILMI WABAR OO KU DHAWAAQAY IN GADABUURSI KAGOOSTAY SOMALILAND BEELINA ISKA LEEDAHAY. 05,12,2014 Dareenka shacabka gobolada galbeedka oo cirka isku shareeray, kadib baaqii suldaanka guud ee Jibriir Yoonis Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar uu ku baaqay in somaliland ay ka gudubtay wadahadaladii siilaanyona uu ku dhameeyay beelaha galbeedka oo uu diiday in uu kalaabto xumaanta iyo faquuqa uu kuhayo shacabka galbeedka. Akhriste hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay haddii aan raacno qoraalkiisa sida uu u dhigay suldaanka uu ku sheegay suldaanka guud ma beelaha galbeed oo dhan ayuu suldaan u yahay mise Jibriir yoonis? Midda kale waa maxay xumaanta iyo fuquuqa uu ku hayo madaxweyne siilaanyo goboladda galbeedka somaliland? Haddiiba se ay dhacday maxay uga hadli waayeen gobolada kale ee galbeedka somaliland sida Gobolka Gabiley iyo Gobolka Salal ileyn waakan qoraalkiisa kusheegay gobolada galbeedka somaliland e’. mise suldaan kooda guud ayaa ah suldaanka uu qoraalkiisa kusheegay ee Abiibakar? Sidoo kale qoraalkani waxaa lagu sheegay in magaaladda borama ayka socdaan shirar ay leeyihiin guddiyo dhallinyaro ah, sidoo kale waxaa lagu sheegay in baaqyo dibadda uga imanayaan suldaankii, baaqyadaasi oo lagu leeyahay suldaan waad la habsaantay. Habada su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay boorama ma dhallinyaro ayaa katalisa mise dawladda somaliland? Maah-maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “nimaan kuufuri doonin, ayaanu kuurarin” waar nimaan dalka iyo dadka midna dan kalahayni ayaanu idiin rarin. Midda kale waraaqda uu kuleeyay waxaa loodiray xafiiska siyaasadda ee qaramada midoobay kuleedahay muqdisho ee uu madaxda kayahay nicklos key ee lagu xusay goboladda galbeedka somaliland ayaa u diray? Ayaase qoray? Gobolada galbeedkuse maka mideysan yihiin warqaddaas haddiiba ay jirto,mise waa beesha suldaanka oo kaliya? Sidoo kale marka uu leeyahay nacaybka iyo niyad jabka ku dhacay shacabka galbeedka ee aasaasayaashii somaliland, ma waxay naceen Madaxweynaha mise Somaliland? Sidoo kale gobolka salal ee uu marwalba afduubaayo malaqabaa nacaybkan uu sheegaayo in ay shacabka reer awdal u qabaan somaliland iyo siilaanyo ee uu kala saari waayay midka uu yahay nacaybku? Sidoo kale marka uu leeyahay madaxweyne siilaanyo da’diisu waa 87 ma wuxuu ka cabanayaa madaxweynaha da’diisa mise madaxweynaha? Warkaasi macaddda!!! Sidoo kale marka uu leeyahay madaxweynuhu waxa uu xilka u hayaa koox isku xidhan oo qabyaaladdu madaxmartay ma kooxdii ayaa laga saaray dadka reer awdal oo ayka cabanayaan? Warkaasi macadda!!! Sidoo kale marka uu leeyahay isagoo talada somaliland haya laba usbuuc ayuu weerar ku qaaday kalshaale, kalshaale ma somaliland baa weerartay mise dad shacab ah oo walaalo ah ayay diriri dhexmartay oo ay dhexdhexaadinaysay dawladdu? Sidoo kale marka uu leeyahay beelaha galbeeedka ayaa lafilayaa inay maal-mahan soo socda si buuxda ugu dhawaaqaan taageerada gooni isu taaga ee uu ku dhawaaqay suldaanka uu ku sheegaayo Abiibakar ee uu leeyahay taageero dhanwalba leh ayaa la isla garab taagayaa ma somaliland ayay ka go’ayaan mise siilaanyo? Guntii iyo gabagabadii waxaan canbaaraynayaa wariyaha maangaabka ah ee qoray qoraal kusheegani bahdilan, sidoo kale waxaan canbaaraynayaa shabakadda Boramanews oo bulsho weynta somaliland ladhex wareegaysa qori dable iyo sidii ay u kala dili lahayd bulsho weynta reer somaliland iyo shacabka wanaagsan ee reer awdal ee ay beenta cad ka sheegayso. Waxaanay shabakaddani kucaan baxday oo kaliya kala ka xaynta iyo faquudqidka bulshada somaliland meelkasta oo ay joogto iyo marrin habaabinta dadka maangaabka ah iyo waxmagaratada taasna waalooga fiican yahay inay ku shaqeysato shabakaddani. Gabagadii waxaan rajaynayaa inay shabakadani ka waan toobi doonto shaadhkan madaw ee ay tolatay kuna kucaan baxday, maaxaa yeelay qoraalkani markaliya laguma xusin madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ee waxaa lagu celceliyay siilaanyo sidii wiilyar oo ay saaxiibo yihiin. Intaas kadib waxaan kutalinayaa in haddii ay cabasho jirto in loo soo gudbiyo dawladda somaliland si sharaf iyo maamuusleh, madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland tixgeliyo wixii suurto gal ah. Guntii iyo gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkaygani. Somaliland hanoolaato Cadawgeeduna hajabo Calankeeduna hajiro Ciidankeeduna hajiro Shacabkeeduna hajoogo
Wabilaahi Towfiiq Qalinkii Khadar Muxumed muuse (koodh) Hargeisa,Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|