Affduubyada Oo kusoo badanaya Magaalada Borama Iyo Wariye Cali Ismaaciil Aare Oo Ay Afduubeen Shufto Aan Lagaranayn .‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Affduubyada Oo kusoo badanaya Magaalada Borama Iyo Wariye Cali Ismaaciil Aare Oo Ay Afduubeen Shufto Aan Lagaranayn .‏
December 5, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Borama Koox Aan lagaranaynin ayaa lagu soo waramayaa in ay Afduubeen wariye Cali Ismaaciil Aare oo ahaa suxufiga   wargayska ka Waaheen uga soo warama gobolka Awdal sida ay u xaqiijisay saxaafada Xaasaka wariyuhu.

Hibo daahir Cilmi waa Marwada wariye Cali Ismaaciil ,waxana hada ay ka warbixinaysaa sida ay wax u dheceen.” Walaal waxa weeyi shalay 10 kii subax ayuu naga baxay xiligii qadadana wuu ka dib dhacay , kadib markaan yaabnay ayaa galabtii waxan garaacay telefoonkiisii ,lama heli karo ayuu lahaa xalay oo dhan ilaa iyo saaka waagu uu ka baryayey waan garaacaynay saaka sagaalkii subaxnimo ayuu telefookii dhacay waar haye diina wuxu yidhi- Waa la i afduubay , oo xageed jirtaa ayaan ku celiyay   kadibna waaba lagooyay telefoonkii, .” Marwo Hibo Daahir Cilmi oo wali sii wadata hadalkeedii ayaa waxa ay raacisay.” Kadib waxan tegay saldhiga Bilayska ee Borama waxanan u sheegay masuuliyiintii joogtay oo uu ka mid ahaa taliye xigeenka Qaybta Cismaan Haari waxaanu igu yidhi   ku qor buuga danbiyada ee sldhiga ama O P ga , kadib na waan ku qoray O,P gii dacwadii in taasi ka dib waxa war ah oo kale ka maan helin sidii buuna u xidhnaa telefankiisu kadib, 4 tii galabnimo ayaan hadana garaacay telephonekiisii kadib waa uu iga qabtay waar halkeedjoogtaadii aan idhina wuxuyidhi waa la i afduubay oo xuduuda Itobiya ayaa laygu haystaa .”

Mar hadaba la waydiiyaya marwada in ay jiraan cid ay colaadi ka dhaxaysay waxa ay ku jawaabtay.” Horta ma ogi cid ay colaadi ka dhaxaysay balse dee walaal waa wariye oo dhawr jeer ayaa la xidhay waliba inta ay dawladan siiraanyo jirto laakiin marka la xidhaba wuu nala soo hadli jiray oo kadibna meesha uu ku xidhan yahay ayaanu ugu gayn jirnay raashinka iyo gogosha laakiin afduubkan oo kale majirin.”

Waxa kale oo marwo Hibo Daahir Cilmi lawaydiiyay sida telefoonka loogu ogolaaday qof la afduubay waxa ay tidhi .” Horta walaal walaahi dee maan arag qof la afduubaye laakiin mooyaana dee in hala ogaado loogu dhiibayana. ”

Gabagabadii mar la waydiiyay marwada in wariye Cali hada ka hor afduub loogu gaystay waxa ay ku jawaabtay. “May Walaal intii aanu wada noolayn imika ayaa ugu horaysa kahor na isaga kama aanan maqal in la afduubay waayo wuu ii sheegi lahaa haday jirto. ”

Sikastaba ha ahaatee afduubkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay magaalada Borama ku sugan yihiin madaxda ugu saraysa wasaarada warfaafinta oo uu ka mid yahay wasiir Cukuse iyo Afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane Dhuxul oo iyaga laftoodu wariyayaal hore u ahaan jiray balse nasiibdaro maaanta aan ka warhayning wadciga ay ku sugan yihiin suxufiyiinta gobolka Awdal , sida Afduubka wariyahan oo kale .

 

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO WAHEEN

COMMENTS
LINKS