Salaadiinta Beesha Sacad Muuse Oo Taageero  Midaysan La Garab Istaagay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Salaadiinta Beesha Sacad Muuse Oo Taageero  Midaysan La Garab Istaagay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi .
December 20, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa -(Wajalenews)- Salaadiinta Cuqaasha Wax garadka oo Maanta kulan Qado sharaf Ah kulahaa Huteel Maansoo Ee Magaalada hargaysa ayaa Tageero Buuxda isla Garab Taagay Mujaahid Muuse biixi cabdi oo ay shegeen cod Loo qaaday Inuu kaga Guulaystay Cabdi Casiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi yoonis.

Munaasibada Si Heer sare loo agaasimay Kana Soo qayb Galeen Salaadiin Kor u dhaaftay 400 ayaa Lagu Hambaleeyey Go’aanka ay gaadhay Gudida Horumarinta Beesha Sacad Muuse,waxaan ay Labada Siyaasi Ee kalena usoo jeediyeen in ay Aqbalaan.

Suldaanka Guud ee beelaha Sacad Muuse ayaa isna sheegay in ay Salaadiintu Ogashay Muuse biixi cabdi Cod loo qaadayna Ay ku Ansixiyeen Ninka Reer Sanadkan Danbe u noqon Doona Madaxwayne.

Ugu Horayn ugaas ibraahin Axmed Kaahin waxaana uu sheegay in musharax Beeshu yahay Muuse biixi cabdi waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Khaladku Maalin Walba wuu Jiraa Nin Khaldamayna Wuu iska soo noqone oo isaga ayaa is garan Doona ee Haloo Duceeyo,waxaanu Leenahay Waa Ceeb Maantana Dhiil iyo Dhariba wuu dhamaaday,waxa kasoo noqon Doonaana Majiro Haday noqotay Xag Dawladeed iyo Xag Reerba,gudidu Hawsheedii way qabsatay waana ay dhamaystay waxa loo noqdaana Majiro Codkii Muuse loogu codeeyey Ayuu ku helay Mana noqon Doonto in Dib loo soo celiyo Golaha Saladiinta Sacad Muusena way Ansixiyeen Ee Raga Ka dabo hadlaya waxaan leeyahay Dib isku Noqda.

Caaqil Maxamed Cabdi Jabane oo ka mid Ah salaadiinta Sacad muuse ayaa Ka hadlay Go’aanka Ay gudidu Soo saartay waxaana uu Yidhi.

“Reer somaliland waxaan leeyahay Hadaa Nagu Maqasheen Hadalo iska Hor imanaya Qaran Ayaanu is Moodnee Hanala Yaabina,waxaanu is lahayn waxaad noqotaan Sida beelaha kale oo kalaa Lakiin Hadaa nagu maqasheen Hadalo iska Hor imanaya Loo Dul qaata,shan iyo labaatanka gudida ah ee Doortay Hogaanka Reer Madaxwayne u noqon Lahaa Iyana way mahad Sanyihiin,Saddexdiinuba waad istaahishaa inaad Noqotaan madax,Gudidu go’aankii Ay qaadatay ee Majooratiga loo raacay ayaanu anaguna Raacnay Hadaanu nahay Salaadiinta,idinkuna waad Guulaysateen Hadii Aad gasheen Codkaba.

Caaqil Maxamed Cabdi Jaben oo hadalkiisa Siita ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Waxa ay ila tahay Raganimadu Waxa weeyaan Ninka Codka Laga Helo ee haneeya,Nimanka Gudidii ka dabo hadlay ee yidhi Cadaalad May Ahayn Iyana waxaan leeyahay Hogaamiyaal Diimeed ayaa idinku Jira waxaana laydinka Doonaya Siyaasiyiin Ayaad tihiine Dalkana Wax wayn ugu Fadhiyaa,Hogaamiyaal Diimeed ayaa idinku jira Hogaamiyaashuna waxa walba way ka fiican yihiin,Tageeraduna waa mid kaliya waana muuse biixi cabdi,Nimanka Kale ee codku ka hiiliyayna waxaan leeyahay Ninka Codka helay waa walaalkiin meel kale Kamuu iman ee codka U haneeya.

Caaqil Cabdi Daahir oo isna ka mid ah Caaqilada Tageersan Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi cabdi waxaana uu yidhi.

“Madaxwayne Siilaanyo waxaanu leenahay Haday beesha sacad muuse soo dooratay Mujaahid Muuse biixi cabdi cid lama simi Kartid Waanu kaaga Fadhinaa Madaxwayne,gudida Beesha Sacad Muuse Go’aanka ay qaadatay waa Go’aan Muhiim ah Cid ay u codeyeen ayuunbaa Noo Musharax ah,wasiirada Codka Laga Helayna waxaan leeyahay Hadii Sidaas Doorasho Laydiinka Helana buuq ayaad samayn Lahaydeen Ee codka iska Haneeya Ayaan odhan lahaa Samaale iyo Maxamed Biixi yoonis.

Caaqilo Badan iyo salaadiin Aad utiro badan oo Dhamaantood Madasha ka hadlay waxa ay tageero Badan u muujiyeen Mujaahid Muuse biixi cabdi waxaana ay gudida Kala saartay Siyaasiyiinta ku loolamayay Siyaasada Madaxtinimada Dalka Ku amaneen Kaalinta Wanaagsan iyo Codka ay u qaadeen.

Gaba-gabadii Waxa Munaasibada Soo Afmeeray Suldaanka Guud ee beelaha Sacad Muuse Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/Raxmaan waxaana uu cadeeyey in tageersan yihiin Go’aanka ay gudidu qaadatay ee lagu kala saaray musharaxiinta Beesha sacad Muuse,salaadinta Reerkuna waxa uu sheegay in ay Iyaguna U codeyeen Muuse biixi cabdi.

Daawo Sawiro .

SAM_6212SAM_6215SAM_6216SAM_6220SAM_6224SAM_6225SAM_6231(1)SAM_6231SAM_6233SAM_6236SAM_6241SAM_6246SAM_6254SAM_6256

COMMENTS
LINKS