ZAAD iyo E-DAHAB Adeegyo Qaranka Khatar Ku ah Iyo War La,aanta Xukuumada.Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ZAAD iyo E-DAHAB Adeegyo Qaranka Khatar Ku ah Iyo War La,aanta Xukuumada.Faalo
November 21, 2014 - Written by Editor:

Zaad-kii hore oo loo dab la’yahay ayaa haddana E-Dahab soo socdaa

HARGEISA(Wajaalenews);Sidaynu ka wada war qabno, waxa baryahan bulshada Somaliland si weyn ugu dhex baahay isticmaalka adeega loo yaqaan Zaadka oo gebi ahaanba la odhan karo wuxuu meesha ka saaray isticmaalkii lacagtii adkayd ee uu lahaa Qarankeena Somaliland.

ZAAD IYO E DAHAB

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee salka u ah jiritaanka dawladnimo, ayaa waxa ka mid ah in la helo dhul leh xuduud cayiman, dad iyo maamul wada gaadha dhammaan gayiga ay xukunto, isla markaana waxa soo raaca oo saldhig u ah in dalku lahaado lacag u gaar ah oo lagu isticmaalo dalka guddihiisa, sidaa daraadeed, waxa barayahan dambe arrimuhu u biyo-shubanayaan in adeega casriga ah ee la isugu diro lacaguhu ay noqdeen kuwo gebi ahaanba meesha ka saaray lacagtii dalka guddihiisa lagu isticmaali jiray ama wax lagu kala iibsan jiray.

Haddaba, adeega Zaadka oo ah mid aanay sugnayn in lacag badan lagu aamino, iyadoo ay ugu wacan tahay habka uu adeegan ku dhisan yahay oo aad u liita, isla markaana ay suurtogal tahay in la jabsan karo ama laga shuban karo, sidaa daraadeed waxa sidoo kale hawadda ku soo jira adeeg kale oo baryahan dambe haystay warbaahinta iyo hadalka bulshada oo si weyn u hadal haysa in dhawaan la bilaabi doono adeega e-dahab oo iska leeyahay shirkadda Dahabshiil.

Si kastaba ha ahaatee, akhriste ma isleedahay in lacagta adag ee Somaliland sii waari doonto ama sii socon doonta dhawrka sannadood ee soo socda? Jawaabta su’aashaas waxaan u dhaafayaa akhristaha kadib markuu waxyaabbo badan oo hadda dhacaya isu geysto kadibna kala soo dhex baxo jawaabta saxda ah ee ku haboon su’aashaas.

Tan iyo markii la baddelay lacagtii la isticmaali jiray dawladdii hore ee Somalia, ayaa waxa tiro aan la sheegi karin oo lacag ah la daabacay tan iyo markii si rasmi ah lacagta Somaliland ay si toos ah isticmaalkeedu uga hirgashay dalka, tusaalle ahaan waxa xataa lacagahaas la daabacay ku jiray shilinka birta ah ee Somaliland, shanta shilin, tobbanka shillin, labaatan shillin, konton shillin, boqol shilllin, shan boqol shillin, kun shillin iyo tii u dambaysay ee shan kun oo shillin.

Laakiin, waxa is waydiin muddan dhinaca waxgoynta lacagta iyo iyadoo ay sii adkaanayso dhinaca heerka nolosha bulshada, isla markaana ay ku lammaan tahay sixir-barar marba marka ka dambaysa circa isu sii shareera, waxa intaas u sii dheer ganacsato dhiig-miirato ah oo dadkooda si aan xad lahayn macaash uga raadiya, iyagoo marnaba aan ka dhaadhicin qiimaha mar ay is dul taagaan, sidoo kale waxa qiimihiisu saami kun jeer ka badan gaadhay maciishadda aasaasiga ah, halka waxgoynta lacagta Somaliland ay gebi ahaanba meesha ka baxday, taasoo kaliya ay shaqeeyaan nuquladda lacagta ee shanta boqol, kun iyo shanta kun ee shillin Somaliland/

Gunnaanad

Waxaynu nahay dal lacagta qalaad ay kaga dhaqdhaqaaq badan tahay ama kaga isticmaal badan tahay lacagta maddaniga ah ee Shilling Somaliland, haddaba maye dawladdii ilaalin lahayd lacagteeda, ilayn waata xudduudaha dalkaba siday u sugi lahayd ku dagaalantee, maxay ugu dagaalami wayday inay hirgeliso lacagta Shiling Somaliland, maxaa yeelay lacagtu waxay ka mid tahay waxyaabaha aasaaska u ah Qaranimadda iyo dawlad.

Waxa jira ganacsato iyaga oo garab ka helaya dawladda ay ku dhiiradaan siday lacago hawo ah isticmaalkeeda ugu hirgelin lahaayeen bulshada Somaliland, iyadoo sharci ahaan ay dambi weyn tahay in aan la isticmaali karin lacag aan ahayn ta dalku leeyahay oo dastuurka Somaliland qorayo in lacagta sharciga ah ay tahay Shilling Somaliland ama cid kale ay daabacato lacag, waxa kale oo is waydiin mudan in lacagaha hawadda ah ee la samaynayo ay tahay lacago qalaad oo ah dollar, maxaa loo waayey ganacsade hirgeliya in lacagta Shillinka Somaliland oo hawo ah wax lagu kala iibsado.

Dawladda Somaliland, waxa la gudboon inay tallaabo sharciga waaqsan ka qaado siday wax uga qaban lahayd lacagaha sharci daradda ah ee dalka guddihiisa lagu isticmaalo, isla markaana waxaan jecelahay inaan shirkaddaha hadda bixiya adeega Zaadka iyo kuwa soo socda ee E-Dahab ay bal dib ugu noqdaan qorshahan, iyagoo lexejeclo u muujinaya dalkooda, inkastoo ay haystaan dawlad ayidsan oo u hawl fudaydisa hirgelinta qorsheyaashooda, iyadoo ay jirto habrasho dhinaca dawladda ah oo ay dhaafsadaan danno yaryar oo dhawdhaw, balse waxa qof kasta oo muwaadin Somaliland ah la gudboon siduu u ilaalin lahaa wax kasta oo dhantaalaya dhammaystiranka dawladnimo

DIYARIYE SHAQAALAHA WAJAALENEWS

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS