Xukuumada Siilaanyo oo hada ku Baraarugtay Kacdoonada bulshada Reer Gabiley Ay Kaga Soo Horjeedaan Iyo Gobodta siyaasadeed Ee Uu kula kacay Reer Gabiley Oo Hortaala Xiligan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo oo hada ku Baraarugtay Kacdoonada bulshada Reer Gabiley Ay Kaga Soo Horjeedaan Iyo Gobodta siyaasadeed Ee Uu kula kacay Reer Gabiley Oo Hortaala Xiligan.
November 3, 2014 - Written by Editor:

masuuliyiinta reer gabiley 4

kalamaan;Silaanyo iminka ayuu ogaaday in Gabiley uu nin doorkeedii daaqada ka wada tuuray uu doorasho uuga baahan yahay maantana

GABILEY(Wajaalenews) Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Hogaamiyo Ahaa hada talada haysa mudo 4sano iyo badh ah madadaasi waxayku Talaabsatay is badalo dhinacyo badan ah wax yaalaha xusuusta Bulshada somaliland sida gaar ah ugu mudana waxaa kamida Qabyaaladii oo ay sifiican u dhiiri galisay bulshada reer somaliland Waxay dib ugu noqdeen beelihii

 

masuuliyiinta reer gabiley 4

Habada madaxwayne siilaanyo ayaa wuxuu mar qudha diirada saaray Sidii goboladii aadka loga taageeray uu siyaasiyan iska reebi lahaa si aan Loo waydiin balanqaadyo farabadan oo uu galay xiligii uu kursiga u oo Manaa

Meelaha xusida mudan waxaa kamida gobolka gabiley oo xiliyo ahaa Taayirada uu ku dhaqaaqo qayb laxaadle ku lahaa guushii kursiga uu Hada ku fadhiyo, reer gabiley ayaa iyagu rajaynayay in wax isbadali Doonaan waxyaalihii ay daahir riyaale ku badale wax dhaamana ay helidoonaan

Riyadaasi mar qudha ayay beenowday waxayna isku badashay iskadaa in wax lagu soo kordhiyeen in uu siilaanyo kula kacay bahdil Siyaasadeed mar qudhana uu haldoorkii gobolka si isdaba jooga xilalkii uga xayuubiyay masuuliyiintan uu xilalka sida foosha xun uga qaadayna waxay ahaayeen saxibadiisii shalay hormuudkii gabiley ee guusha xusbiga kulmiye keenay

Waxaa xusid mudan taliyaashii ciidanka qaran oo midkastaa wax uu kusoo kordhiyo ciidama mooyeen aanu talaabo dib u qaadin

 

Taliyihii ciidan madaxtooyada oo xiligii uu joogay madaxtooyada ka dhiagay ciidan ilalada madaxtooyada ciidan muuqda soona galay hormuudka ilaalada qaranka

masuuliyiinta reer gabiley 4

waxaa kale oo an lahilmaami karin wasiirkii warfaafinta Muj Boobe Yuusuf Ducaale oo Xiligii u xilka hayay somaliland u sameeyay nidaam sida cida qaranka afhayeenka u ah dawlada muqdisho ee faanka jecelna ka dhigay wax aan ladoodi karin haday tahay taariikh, codkarnimo, dhiiranaan daacadnimo somaliland ah oo aan hagrasho ka muuqan

waxaan marnaba taariikhdu hilmaami karin wasiirkii hore e arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ahaa wasiirkii ugu horeyay ee ku dhiiraday in somaliland beesha caalamku uu ku qanciyo in ay tahay dal madaxbanaan somaliyana horseeday in inagoo laba dawladooda aynu is hor fadhisano wadahadalna ina dhexmaro

Taliye kuxigeenkii sirdonka oo ah qofka kaliya ee aqoonta leh dalka lexejeclo kahaysay kuna badalay qurba joog aan waxba ogayn

Madaxwayne siilaanyo iyo gabiley waxaa dhexyaala intaas oo godobood marnana aan ka baxay xusuusta bulsha waynta reer gabiley oo ah dad in badan dulqaata marse haday kacaan xukuumadaha si fudud talada uga tuura taasi oo ah mid taariikhda hore ugashay

Xiligan ayaa xukuumada siilaanyo ku wareertay kacdoonada gobolka gabiley guud ahaan kasocda taasi dadwaynaha tusayna in gabilay iyo siilaanyo kala fogaandeen dibna aan loosoo celin karin mar haday dhabarka u jeediyaan xukuumadaha

Meelaha reer gabiley ay sida adag u xasuusan yihiin ayaa waxa kamida in marka nin reer gabiley ah uu xilka kaqaado uu kursiga cidkale ku casuumo dibna aan rer gabiley loogu magacaabin waana arimaha kuu iftiiminaya nacaybka siilaanyo u qabay reer gabiley.

Silaanyo oo wali aan marnaba ka samrin reer gabiley sugayayna in looga mashxarado gabiley.hadase ma garawsandoonaan in isaga iyo gabiley ay kala huleeleen Silaanyo iyo qoys kiisu reer gabiley ma dad aan damiir lahayn bay u heystaan.Awdal na waxba uuma yaalaan oo cabashadii salaadiinta waxna kama qaban kamana qaban doono. Barina hadal kiisaba daa oo wax u yaalaa ma jiraan. Ummada sidaa u nacday xukuumada joogta hadii ay isku dayaan mudo korodhsi waxaynnu sugnaaba waa iyadoo beelihii lagu noqdo oo dimuqraadiyadu bur-burto. Silaanyo iyo qoys kiisu se intaa ma garan karaan … Waa maya … Hadaba ha daawadaan waxa dalka Burkina Faso ka socdo. Shicibki caasimadii dab bay wada qabad siiyeen, golihii wakiilada iyo aqal uu ku jiray madaxweynaha walaal kiina wey gubeyn … iminkna waxay ku sii socdaan aqalkii madaxweynaha. Qoyska Silaanyo haday sidaa ku sugayaan waa yeel kadood. Hadii kale ha soo dhaafaan meesha cidi kama jecla Somaliland e. Siiba Amina Weris ha ogaato haday ilmada yaxaaska daadiso maahee haday wax walba samayso sanadka danbe wey ka baxayaan madaxtooyada ileyn iyagu malaha e. Xukuumadu sidii wan la gowracay oo rafanaya oo kale ayey noqotay oo waxay xidho iyo hanti qaran oo ay iibiso ayay ku waalatay. Wax baannu qabanay bay ku andacoodaan … Suaashan ha is weydiiyaan …. Xagay geeyaan lacagta lagu iibiyo hantida qaranka sow iyagu ma qaataan. intay dalkii boobeen bay khuraafaad doonayaan in ay shicibka u sheegaan. Qoyska Silaanyo wuxuu istaahilaa in maxkamad la soo taago oo lala xisaab tamo. Malaayiin doolar bay ka dhaceen Somaliland oo la wada ogyey. Hadaba waa idinka xaaraan in aad mar danbe qaranka boobtaan oo dalkana fasa haadisaan ee intaan madaxtooyada la idinku gubin ka huleela Aayar.

Silaanyoy Gobanimo samee oo ama doorasho qabo ama xilka wareeji oo ma sii wadi karayo dhe sidaa ayaad taariikhda ku geleysaa hadii kale waxaad ka geli bog madow oon la soo hadal qaadin.

Hadaba waxaan leeyey odeyga jiid jiidka ka daa … hadii wax talo ahi ku hadhay bal Silaanyo TV ga hasoo fadhiisiso oo dadka ha la hadlo sua’alo dhowrana ha la weydiiyo …. Ma dhici kareyso…. Somaliland waa dal aan madaxweyna taliya lahayn ee khiyaamo lagu maamulo.

Isku soo wada duuboo xuukmada siilanyo oo aadmooda cadceed sidhacay waxay faro madhan ka joogtaa gobolkii codka gobolkii halganka gobolkii dhidibada u taagay qaranimada somaliland ee gabiley

Gabiley iyo roob galbeed midkoodna haduu galbado gadaal umasoo noqdee go,aankaa bal dib u raac

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALE@GMAIL.COM

Y, HIRSI

 

 

COMMENTS
LINKS