Xukumadda Siilaanyo Oo ku Hanjabtay inay Talaabo ka qaadayso Saxaafadda Madaxbanaan iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Siilaanyo Oo ku Hanjabtay inay Talaabo ka qaadayso Saxaafadda Madaxbanaan iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah.
November 9, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade Ayaa Farriin Adag u diray Saxaafada Madaxbanaan iyo Siyaasiyiinta mucaaridka ee Somaliland waxanu ku hanjabay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadidoono.

Sidaasi waxa uu Wasiirku ku sheegay Shirjaara’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Wasiir Warancade waxa uu tilmaamay in ay jiran dad reer Somaliland oo Kicinaya dadka kuwaasi oo doonaya in dalka dhibaato ka Abuuran.

Warancade oo ka hadlaya Arrintasi waxa uu yidhi. “Waxaa Baryahan danbe, ka baxaayey Telefeshinadda iyo Baraha internetka hadalo ka fog milgaha iyo Anshaxa bulshada reer Somaliland ku caan baxeen, oo salka ku haya qabyaalad la doonayo in lagu kala shakisiiyo bulshada reer Somaliland ee walaalaha ah, isla markaana lagu waxyeeleeyo nabada iyo deganaashiiyaha ay ku naaloonayaan ummada reer Somaliland ee Eebe inagu maneystay, arrintan oo dad dano gaar ah lihi ay ku gabanayaan. Waxaa hubaal ah in ay ku saqiiri doonaan cid kasta oo isku dayda in ay bulshada dhexdeed fadqalalo ka sameyso”.Ayuu yidhi.

Isaga oo Hadalka sii watana waxa uu yidhi. “Waxa kale oo ogsoon yahay in rag siyaasada iyo dimuqaradiyada ka hana qaaday Somliland ku gabanayaa ay maleegayaan qorshayaal lagu hagardaameynayo, wada jirka, nabadgelayda iyo Horumarka Somaliland, si looga leexiyo tubta toosan ee lagu higsanayo, barwaaqada iyo Gobonimada Dalka. Waxaa iyana hubaal ah in cadowgeenu ku mashquulsan yahay sidii loogu soo dhex tuuri lahaa bulshadeena dhexdooda dacaayado dhagareysan oo la doonayo in lagu kala fogeeyo bulshadeen”.

Warancade waxa uu Sheegay rabshadii ka dhacday Maxjarka Berbera in ay tahay mid lagu kala fogeynayo shacabka. “Waxaana ka mid ah arrimaha la doonayo in bulshada lagu kala qaybiyo Bulshada, Arrimaha Ganacsatada Xoolaha ee reer Somaliland. Arrintan oo ka dhacday Maxjarka Berbera waxaa si buuxda gacanta ugu haysa dawlada oo si cadaalad iyo sinaan ah u dhamayn doonta hawshaasi si dhagsi ah haddii Eebe yidhaado. Waxaan gacan adag lagu qabban doona cid wal oo falkaasi ka qaybqaadatay.”

 

Waxaana dawlada ka go’an in ay gacan bir ah ku qabato sharcigana la horgeeyo cid kasta oo lagu tuhmo in ay fadqalalo ka waddo dalka, ama waxayeelaynaysa nabadgelayda dalka iyo Dadka. Waxaan uga digayaa in bulshada reer Somaliland nasteex u arkaan dacaayadaha Raqiiska ah ee lagu kala Fogeynayo Ummada.

Waxaan u soo jeedinayaa Bulshada reer Somaliland ee waayo araga ah in ay ilaashadaan wadajirkooda iyo walaaltinimadooda, iskana jiraan dhanga-gaalaha siyaasada ku asqoobay ee aan kala sooci Karin waxyeelada iyo waxtarka ay u geysanayaan Ummadda.

Sidoo kale waxaan uga digayaa warbaahinta dalka in ay ka waantooban baahinta hadalada abuuri kara nabadgalyo darada iyo kala fogaynta bulshada ee salka ku haysa qabyaalada waxaana laga qaadi doona talaabo sharci ah cid kasta oo ku Xad gudubta Anshaxa Warbaahinta”Ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu

COMMENTS
LINKS