Xogaha Ku Qorsoon Xanuunka Macaanka Q1aad ‘Qalinkii SH,Jaabir Herbalist | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogaha Ku Qorsoon Xanuunka Macaanka Q1aad ‘Qalinkii SH,Jaabir Herbalist
November 7, 2014 - Written by Editor:

Kor u korodhka qiyaasta sonkoreed ee dhiigu waa cudur qadiimi ah oo bini aadanku yaqaaneen mudo kumanaan sanno ah,waxaanu cudurkani safka hore kaga jiraa liiska xanuunada ka dhasha waxyeelawga xubnaha uur ku jirta,sida beerka. ganaca,caloosha, i.w.m Waxaanay dhakhaatiirtii hore markaaba aqoonsan jireen inuu jiro xanuunku oo uu qofka hayo iyo in kale,taasi oo ay kula tacaali jireen daawayntiisa cuntada iyo cabista qofka buka oo ay habeeyaan, isla markaana ay faraan cuntooyin iyo cabitaan ku habboon,iyagoo u diidaya kana joojinaya qaar kale. Taas hadaan raacino faahfaahin,Waxaa cudurkan macaanku jiray in badan,waxaana lagu tiriyaa xanuunada ay ilaa maanta kasocoto daraasada iyo u kuurgalka wixii iyo sidii la iska odhan lahaa,taasi oo dhakhaatiirtu bari hore ku sheegeen saaxiibka qofka uu ku dhaco,iyagoo ugala jeeday inaanu qofku ka bogsan karin ee uu intuu nool yahay la noolaanayo,waxaana taas lagu qiimeeyay kolba sida uu ula macaamilo qofka bukaa xanuunkiisa,waxaana hubaal ah hadii aad dhayalsato xanuunkan inuu isna ku dhayalsanayo,oo uu kolba joogo halkaad joojiso,markaas waa taa saaxiibtinimada la sheegayaa. Waxaan leeyahay akhristow ogow in macnaha hore ee saaxiibtinimo uu ku eekaa qarnigii dhamaaday balse maanta xanuunka loo arko cadawga koowaad ee qofka qaba iyo wadkiisa,waxaana taas sababay koradhaka iyo soo badashada dadka u dhimanaya xanuunka iyo dadkuu ku dhacayo,waxaana sababaha lagu tilmaamaa inay kamid tahay qalad laga fahmay kalmada hore ee saaxiibtinimo waayo saaxiibka dhakhaatiirtu sheegtay iyo saaxiibka loo qaatay farqiga u dhexeeyabaa ah,waxay dhakhaatiirtu u jeeday tagis la,aanta iyo dariska uu kula ahaanayo xanuunkani waligiis,iyadoo wixii daris iyo xidhiidh joogta ah kuu hayaa ay u baahan yihiin ku xisaabtan iyo is ilaalin aad u meel daydo,markaa adigoo taas xeerinaya ayay dhaqankaagii nololeed wax iska badalayaan,waa kaas macnuhu,balse markaad eegto khaladka macne ee kalmada loo qaatay ayaa ah in meesha dhayalsi iyo saaxiibtinimo aanu qofku waxba iska dhawraynin soo gashay,waxaana kala duwanba labada kalmadood ee saaxiib iyo cadaw,waayo saaxiibka la iskama ilaaliyo isaga balse cadawgu wuxuu kaaga baahan yahay iska ilaalin iyo foojigo, sidaa darteed macaanku waa cadawga iyo wadka koowaad ee loo baahan yahay qofka xanuunkan u bukaa inuu iska jiro, qofka aan u bukina uu ka foojignaado, Xaalada guud ee caafimaad iyo habsami u shaqayneed ee qofka oo khaldantaa waa gabbood falka khattareed ee xanuunkan iyo kuwo kale oo la mid ahi ku yimaadaan,waxay odhaahdaas kakani ka joogtaa ama laga dhalaaliyay kun eray. Aan kuusoo qaado tusaalee Waxaa intii aan la suura galin maadada insulin soo dhawaadkii qarnigii labaatanaad, ay dhakhaatiirtu dadka macaanka laga helo tixraaci jireen hab nololeedkiisa iyo duruufta deegaanka uu ku nool yahay,taasi oo talaabadii koowaad ee la qaaday ay ahayd dib u habaynta caloosha qofka wixii galaya. Waxaana horumar wayn laga gaadhay in la ogaado in ay caloosha qofku kamid tahay sababaha qaybta wayn ka qaata in qofka uu haleelo xanuunku,waxaana lagu sababeeyay iyadoo calooshu tahay guriga cudurkastaa kasoo farcamo waayo waa meel qudhun iyo huuris usaaxiib ah isla markaana deegaan u ah jeermis kasta oo xoog wayn,waana halka uu qofku jidhkiisa kale usii mariyo wixii u rabo,waxaana calooshu ay ku shaqaysaa gubis iyo baabiin ay kala miirayso waxii markaasi looga baahan yahay jidhka xubnihiisa kale,markaad u fiirsatona wuxuu shay kasta oo shaqaynayaa u baahan yahay nidaam. Waxaana calooshu ay bukootaa oo ciladi ku gashaa nidaam xumo,kol hadii nidaam xumo timaadana ogow in markaa nidaam xumo shaqaynayso oo sidaas uu ku faafayo aafo iyo dhibaato saamaysa waxkasta oo xidhiidh la lahaa caloosha. Waxaa nidaam xumadaa ka kow ah iyadoo caloosha lagu guro waxaanay u baahnayn ama aanay qaadi karayn, hadaba marka la eego habka shaqo ee calooshu u dhalatay waxaad arkaysaa nidaam ka madax banaan maamul oo ku fiican in la raaco kaliya,sida caloosha oo leh waqti ay gaajooto iyo waqti ay ku dareensiiso inaad dharagtay,iyo waqti ay ku dareensiiso inaad u baahantay inaad musqusha gasho. Markaa waxaa nidaam xumo iyo cudur ka kow ah inaad calooshaada ku rido cunto aanad u gaajoonayn,ama adigoo gaajoonaya aad diido cuntada,sidoo kale iyadna ma fiicna inaad dharag daf iska siiso, waxaanay xigmad lagasoo wariyay dhakhtarkii waynaa ee luqmaan al xakiim uu yidhi(hadii aad caloosha ka buuxiso cunto ama cabis waxaa seexda fikirka,waxaana baxa xigmada,waxayna xubnaha jidhku ka fadhiistaan cibaadada.) waayo dhamaan talaabooyinkan oo dhami waa horseedayaasha in nidaamka shaqo ee calooshu khalkhalo,waxaana halkaas ka imanaya in calooshaadu gasho hawl iyo shaqo aad u daran oo ku keeni kara kaldan ay gaabiso ama siyaadiso shayo markii hore kusoo bixi jiray xisaab iyo qiyaas go,an. Waxaana dhacda in qofku shubmo ama calooshu istaagto,bal u fiirso labadaas oo kali ah xanuunada ka dhasha,sidoo kale waxaa markaaba isna yimaada hadii caloosha lagaba joojin waayo cunto saayid ah ama xoog loo dhargo,in calooshu jidhka isku dhaafiso wixii ay si qiyaasan ku kaydin jirtay ama ku gubi jirtay,waxaana taas calaamad u ah shilays iyo baruur qofka jidhkiisa fuusha ama miisaan xoogleh oo uu yeesho. Saamaynta xanuunka macaanka keenta ee ugu waynina waa tan hadii uu qofku si dhakhso ah aanu u galin hawl adag iyo shaqo badan oo uu ku gubo waxii baruur ah ee jidhkiisa fuulaysay,waxaana dhakhaatiirtu ay ka digaan inuu qofku dhargo oo uu seexdo,in badan baana la arkay qof ka cabanaya calool qushqush. Marxaladaas kadibna waxaa daala xubnaha caloosha ka dab qaata ee loo yaqaano uur ku jirta taasi oo ay kow ka tahay beerka,beeryarka,ganaca,xameetida, kalyaha,iyo kuwo kale oo la jaar iyo noocba ah,waxaa la ogaa inbadan in qof kastoo dharagiisa calooleed xad dhaafiyaa inaanu kacayn si dhaqso ahna u naaxayo,taasi oo keenta dhaqdhaqaaqa qofka iyo wixii hawl culus ah ee uu qabanayo oo yaraata ama joogsata,iyadoo markaas qofku uu dhargo uu caajisayo hadaanu seexanba,sidoo kale waxaa isna meesha ka baxaya wixii qashin saar ahaa ee jidhku markuu dhidido iska bara bixin lahaa,taasi oo hadii lagu shaqayn waayo cuntada caloosha jiifta ay halkaas ka dhalan karto waxyeelo aad u xun oo sababta xanuuno uu kamid yahay macaan,ilayn ma jiro wax kaantarool ah oo kala socodsiinaya hawshii xubnuhu hayeen, Taasina waa ta keentay in xubnaha uu ganacu kamid yahay ee hawsha adag hayaa ay cimri dagdagaan oo ay gabaan shaqadoodii, waxaana halkaas ka dhasha sabab uu qofku macaan ku qaadi karo kadib Markii uu jidhku iska dhaafi kari waayay sonkorta siyaadada ah ee la socota dhiiga,qanjidhkan ganaca oo isagu aan soo daynayn dareerihii hoormoone ee hawshan loogu tala galay ee insulin ta awgeed. Sidaa darteed ayuu dhakhtarkii waynaa ee allaah raxmada ugu soo diray caalamka waa nabi maxamed s.c.w inooga digay intaasoo qarni ka hor isla arrintan aan ka hadlayno maanta isagoo xadiis saxiixa ku sheegay oo yidhi “waxaanu nahay umad aan waxba cunin ilaa ay gaajoodaan,haday cunaana aan dhargin”. Sidoo kale wuxuu xadiis ku sheegay rasuulku s.c.w isagoo yidhi “ma buuxiyo binu aadamku weel ka shar badan calooshiisa,waxaaba ku filan darsiimo uu ku toosiyo dhabarkiisa,hadiise aan in wax la cuno laga tagayn,caloosha u qaybiya sadex qaybood oo kala ah meel cuntada,meel cabista,iyo meel banaan oo qofku ka neefsado oo fakaag la siiyay caloosha ah.” Markaas akhristow eeg axaadistan oo ah kuwa macnaha ugu wayn ay ka qaateen dhakhaatiirtu,waxaana maanta loo baahan yahay in qof kasta oo bukaa uu ka war helo calooshiisa oo uu nidaamiyo,waxaana aan halkaas usii dhaafi doonaa bal markuu xanuunka macaanku ka boqoolo caloosha,ee uu yimaado xanuun rasmi ah oo haya qofka kadib markii dhiiga lagu arkay in sonkortiisu siyaado tahay (GLUCOSE) wuxuu yeelayo qofku.

Lasoco … Isha allaah

QALINKII CABDIQADIR CARAB WARSAME SH, JAABIR

COMMENTS
LINKS