Xogaha Ku Qarsoon Xanuunka Macaanka Q2aad Sh, Jaabir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogaha Ku Qarsoon Xanuunka Macaanka Q2aad Sh, Jaabir
November 9, 2014 - Written by Editor:

Calaamadaha lagu garto qofka macaan hayo way fara badan yihiin waxaana had iyo jeer soo dhex gala xanuuno kale oo ay wadaagaan calaamadaha,waxaana jirta in kontonkii sanno ee ugu danbeeyay la aqoonsaday calaamado cusub oo nooc aan hore loo aqoon ah oo macaanku leeyahay,balse kuwa ugu caan san aan soo qaadano.

– Waxay sonkorta dhiiga lasocotaa caga cagaysaa sida qaalibka ah inta u dhaxaysa sideetan ilaa boqol iyo labaatan miligiraam litirkiiba,qiyaas kale oo dsl layidhaa ayaa jirta waana qiyaaso guurguura oo aan wali sax ahayn balse la isla meel dhigay muran kadib,waxaana sida la ogyahay uu jidhku gubaa wixii sonkor ah ee intaas saayid ka ah isagoo taas u cuskada inuu ganaca ka helo maadada insulin si uu hawshan u guto,balse hadii taas la waayo waxaad arkaysaa in calaamada ugu horaysa ee xanuunku tahay sonkorta dhiiga iyo kaadida la socota oo qiyaastaa aan sheegnay ka badata,sidaa darteedbaana xanuunkan loogu naanaysaa kaadi macaan.

– Marka uu xanuunkani bilaabmayo wuxuu qofku cuncun aad u xun ka dareemaa agagaarka xubnaha taranka, waxaana calaamadani ka dhigan tahay digniin hor leh oo ku tusisa in xanuunkani soo fooleeyahay.

– Waa inuu qofku kaadi badan yeesho oo aan caadi ahayn isagoo dhawr jeer inkabadan maalintii kaadsha habeenkiina kolba baraarugo isagoo kaadi badani hayso marmar isku xigana sidaa dareema.

– Haraad faro badan oo hadana aanu biyaha markuu carabka qooyaba iska dhigaya,inyar intaanu joogina markiiba labhadoonaya oo haraad dareemaya.

– Kabuubyo lugaha ah ama xidido soo rooraya lugaha khaasatan markuu qofku fadhiisto ama habeenkii jiifsado taasi oo qofku jeclaysto in loo duugduugo.

– Burooyin guntan oo halka ay kaga dhagsan yihiin jidhku dhuubantahay oo shax kasoo yidhaa qofka meelo jidha kala duwan ah.

– Dumarka qaarbaa waaya caadada,waxaanay dareemaan bukaano hor leh oo lasoo darsa xubnahooda gudaha fog ee tanaka,waxaana dhakhaatiirtu sheegaan in dumarku uga adkaysi badan yihiin raga xanuunkan macaanka, horena ugamasoo daahiro dumarku intay da,da yar yihiin ee aanay gaadhin afartan sanno,sidoo kale waxaa iyadna dhawaan la ogaaday in sababta ay u bukaan caruuro badan oo xanuunku hayaa ay ka timaado xaga waalidka gaar ahaan hooyada oo ilmaheeda sida badan qaadsiin karta hadii ay xanuunka qabtay oo la ogaa ama uu ku gabanayay,iyadoo baadhis dhiig ama kaadi lagu sameeyay labada waalid ayaa natiijo ay noqon kartaa sida dhacday marmar inaanu xanuunku hayn waalidiinta balse ilamahooda uun lagu arkay,waxaan taas uga jeedaa in la fahmo in hooyadu ka saamayn badan tahay aabaha markay noqoto dhaxalka xanuunkan ee xaga tafiirta isla markaana ay dumarku si dhaqso ah uga bogsan(meel qiyaasan ku hayn) ogyihiin raga hadii ay dadaalaan wixii karaan ah.

– Miisaanka qofka oo hoos si dagdag ah ugu dhaca,ama koriinka qofka yar oo yaraada ama istaagaba,iyo qofka wayn oo u eekaada sidii qof dumay.

Marka ay xaaladaha qofka bukaa sii xumaadaan waxaa korodha xanuunkan halistiisa,

Hadii dhakhtarka iyo bukuhu ay ku guuldaraystaan dawaynta iyo wax ka qabadka joogtada ah ee xanuunka iyagoo heer ku ilaalin kari waaya sonkorta xad dhaafka ah ee tuulan dhiiga waxaa soo darsa calaamado ku tusiya halis oo kuwani kamid yihiin

– Suuxdin iyo miyir beel uu qofku la dhaco xiliyo kala duwan

– Wuxuu xanuunku saamayn ku yeeshaa oo uu ku duulaa habdhiska neefsashada,isagoo baabiiya habsami u shaqaynta goobahaasi iskuna badala waxyeelooyin ba,an isla markaana horseeda inay aaga soo galaan xanuuno kale oo hor lihi.

– Waxaa dhacda in waliba raga ay saamayn xanuun daran ahi ka haleesho habdhiska kaadi mareenka,taasi oo ay waxyeeloobaan xubno muhiim ahi,islamarkaana barar iyo kaadi joogsi ama kaantarool la,aani ay dhacdo oo qofku xaaladan oo kale uu miyir beelo.

– Xanuuno xaga indhaha ah oo soo darsa sida arag diciifa,indho olol iyo cuncun sameeya,ama xididada isha oo qarax sameeya.

– Xididada dareenka oo waxyeelooba,iyadoo xaalada nafsaani ee qofku diiqad iyo cidhiidhi gasha had iyo jeer.

– Waxaa dhaca mushkilado dumarka u khaasa marka ay waliba uurka leeyihiin iyagoo aan qaadi karin uurba ama hadii ay qaadaana dhiciya si joogto ah,dumarka qaarna waabay u dhintaan markaas.

– Dhaawacyo uu rifmo ciridku ama ilkuhuba soo baxaan iyadoo ay adkaato dawayntoodu isla markaana ur qadhmuun sameeya.

– Dareen naxdin joogto ah iyo warwar uu qofku mashquul galo badanka noloshiisa waliba marka uu yaqiin sado in xanuunkiisu halis yahay.

– Akhristaw shakigu calaamad maaha isagu balse waxaan kuwan uga jeednaa waa inta ay dhakhaatiirta kala duwani ogyihiin ee maanta macruufka ah,balse waxaa haboon hadii aad inuun dareen qabto waxaa calaamada ugu horaysaa ay noqonaysaa waa is baadhis aad ku ogaato inaad bukto iyo in kale sidaa darteedbaana wixii shaki ahi aanu meesha ugu jirin.

Qormadan tii ka horaysay waxaan sheegnay in cuntada qofka xanuunka macaanku hayaa ay u bahaantahay in la habeeyo oo si gaara loogu tilmaamo cuntooyinka u fiican ee isaga shakhsiyadiisa ku habboon ilayn dadku iskuwada mid maaha e.

waxaana taas uu iskaga ilaalin karaa kolba sida noocyidiisa dhaqan tahay,ee uu ula tacaalo xanuunkiisa,sidaa darteed hadii aan si guud u xusno cuntooyinka,waa in qofka bukaa iska jiro wixii sonkor leh ee kusii kicin kara xanuunkiisa,isagoo aan abadan jarayn wixii macaan ee khafiif aada u ah waayo hadii sida dadka qaar sameeyaan aad iska ilawdo wax macaan oo dhan adigoo iska buuxinaya qadhaadh,taas macnaheedu waa khalad waayo ha is odhan malaha qadhaadhbaa macaanka daweeya,ama hadii aad qaadato maadada insulinha iska buuxin waayo hadii sonkorta dhiiga lasocota ay hoos uga dhacdo in kayar lixdan miligiraam litirkiiba taasi waxay keenaysaa dhicitaan shoog ah hadii qofku tirsado baaxaa dag iyo dheelitir la,aansho guud.

Waxaa lagu tilmaamaa cuntooyinka qofka buka u fiican in ka mid yihiin cuntooyinka borotiinka leh sida beedka,kaluunka,digirta,saladhka,lawska,hilibka jiidha ah ee aan aadka u angagnayn.

Dadka kaadi macaanku hayo gaar ahaan kuwa da,da yar waxay u baahan yihiin dawada insulin oo joogto ah inay qaataan, iyo dhaqtar gacanta ku qabta xanuunkooda waxaana wax ka reebban ah oo mamnuuc ah inay xanuunkooda iyagu maamushaan, waxaanad ogaataa in macaanku ka badan yahay wax laba nooc ah (tape 1 – tape 2 ) oo hada la yaaban yahay aduunka waayo waxaa ku dilaya mid maalin qodha kacay oo aan waligii lagaa helin hore

COMMENTS
LINKS