Xildhibaano Golaha Wakiilada Ka Tirsan Iyo Xubno Siyaasiyiin Madax-banaan ah Oo Loo Diiday Inay Booqdaan Xubnaha Xidhan ee Ururka Jiidali Oo Xukuumadu Cadaadis gaar ah SaartayDAAWO+SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Golaha Wakiilada Ka Tirsan Iyo Xubno Siyaasiyiin Madax-banaan ah Oo Loo Diiday Inay Booqdaan Xubnaha Xidhan ee Ururka Jiidali Oo Xukuumadu Cadaadis gaar ah SaartayDAAWO+SAWIRO
November 29, 2014 - Written by Editor:

Xubhaha Ururka Jiidali ee Xabsiga Ku jira oo cadaadis iyo cabudhin gaar ah kala kulmaya Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa (Wajaalenews) Xildhibaanyo ka tirsan golaha wakiilada iyo muj sahra halgan oo maanta booqasho ay ugu tageen saldhiga Iftin ee magaaladda Hargeysa xubnihii ururka Jiidali ee ay xukuumadu xabsiga dhigatay ayaa xukuumadu ay ka hor istaagtay xildhibaanadaas inay booqdaan islamarkaana ay saldhiga ugu galaan xubnaha ururka Jiidali ee saldhigaas ku jira.

xildhibaano 1

Talaabadan ay xukuumadu isaga hortaagtay masuuliyiinta booqashada ugu tagay xubnaha xidhan ayaa noqonaysa mid xad-gudub u ah xuquuqda ay leeyihiin maxaabiista xidhan islamarkaana ay kamid tahay cabudhinta iyo cagajuglaynta ay xukuumadu ku cadaadinayso xubnahan u xidhan ee ee xaqa u leh inay helaan xuquuqda ay leeyihiin muwaadiniinta marka ay xabsiga ku jiraan.

Xubnaha ururka Jiidali ayaa ku jiray markii hore saldhiga Kood-buur, waxaana habeenimadii Xalay loo soo wareejiyay saldhiga Iftin ee koonfurta Hargeysa ku yaala,iyadoon wax sabab ah oo loogu soo wareejiyay saldhiga Iftin aanay jirin,balse ay xukuumadu ku cadaadinayso xubnahan sidii aanay u heli lahayn booqasho iyo Dhammaan xaquuqda kale ee maxaabiistu leeyihiin

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS