Xildhibaan Buubaa Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Wareegtooyin ay Xukuumaddu Lacago Ku Weydiisay Tiro shacab ah oo Guryo Dawladeed Ku Jira | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Buubaa Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Wareegtooyin ay Xukuumaddu Lacago Ku Weydiisay Tiro shacab ah oo Guryo Dawladeed Ku Jira
November 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Isla-markaana ah Afhayeenka Xisbiga Waddani, ayaa si kulul ugu Hadlay Guryo dawladdu leehaya oo la sheegay iny xukumaddu iibintooda ku Hawllan tahay.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi oo maanta la Hadlay warbaahinta, ayaa tilmaamay inaan xilligan loo Baahnayn inay xukuumaddu soo rogto wareegtooyin dadka hantida qaranka ku jira loogu sheegayo inay iskaga Baxaan, isla-markaana ay Nidaamka Dawladnimada Baalmarsan tahay Odhaahdaasi.

Buubaa waxa sharci darro ku tilmaamay wareegtooyin maalmahan kasoo baxay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo tiro dad ah oo Hanti dawladeed ku jira loogu sheegay inay xamaamtooda ka urursadaan,

“Waxa socota in Guryo waaweyn oo Magaalada Hargeysa ku yaallay ay Bilowday inay xukuumaddu soo Dhejiso oo ay Xaraashto oo tidhi ninkii Toban cisho gudaheed kusoo bixin waayaa waa inuu albaabtiis ka qaato, waxanu leenahay ma aha sharci xeerarka dalkuna ma ogolaanayaan insidaas fawaaxishka ah loo tirtiro, Hantidaasna qaranka wada leh, dadka guryahaas ku jirana waxanu u sheegaynaa oo ay ilaaliyaan isla-markaana aanay kala aqbalin lacagtaas Malaayiinta ah.”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Buubaa.

Mudane Buubaa carrabka ku dhuftay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo haatan madaxa la gashay Sanadkeedii ugu dambeeyey muddo xileedkeedii, ay ka Go’antahay inay lacago urursato, isagoo shacabkana uga digay inay hantidooda ku iibsadaan Guryaha Danta Guud, waxana uu yidhi,

“Xukuumaddaas xamaamta sii urursanaysa ee safarka ku jirta Hantina ha u dhiibina lacagna ha siinina Nabadgelyadoodana suga.”

Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu caddeeyey inaanay jirin wax xeer ah oo tilmaamay Hannaanka loo raacayo Hantida qaranku leeyahay ee la Iibinayo, waxase uu xusay in Haata “Ma jiro xeer si rasmi ah u tilmaamaya oo caddaynaya hantida qaranku leeyahay sida loo xaraashayo iyo sida loo iibinayo laakiin Haddaa Golaha Wakiilladu gacanta ku hayaa, markaa inta xeerarkaasi soo baxayaan ee la ogaanayo hantidaas la xaraashayo iyo guryahaas Dawladdu leeahay waxa lagu falayo iyo Baahida loo iibbin karaa meesha ay ku dhacayso ma aha xaqna uma laha inay shilimadaas Jeebka ku shubato, waxana aanu umadda u sheegaynaa inay hanti qaran tahay oo ay umadda ka wada Dhaxayso.”

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu kamid yahay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee inta Badan dura siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye, waxana uu caan ku yahay jawaab ka bixinta Eedaha Xukuumaddu u jeediso Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga uu Afhayeenka u yahay ee Waddani.

COMMENTS
LINKS