Xasan Sheekh Oo Rajo Ka Muujiyey Wada-hadalka Uu Kula Jiro Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasan Sheekh Oo Rajo Ka Muujiyey Wada-hadalka Uu Kula Jiro Somaliland
November 20, 2014 - Written by Editor:

Copenhagen:(Wajaalenews)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia, ayaa rajo fiican ka Muujiyey Wada-hadallada u dhexeeya somalia iyo Somaliland oo muddooyinkan dambe Gaabis badani ka muuqday.

somaliya iyo somaliland

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay suurtagal tahay in natiijo wax ku ool ah laga gaadho wada-hadallada labada dhinac hore ugu bilaabmay, sida dad badaniba qabaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlayay wada hadalkaasi waxa uu sheegay in hadda rajada midha dhalka wada hadalkan ay wanaagsan tahay, islamarkaana wax walba u baahan yihiin in si tartiib ah loo wajaho.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha in Labada dhinac ay xilli walba wada hadlaan, islamarkaana qaab muuqda hadii aan loo wada hadal ay u wada hadlaan qaab aan muuqan.

“Wada hadaladu ma taagneyn wey socdeen, laakiin waad taqaanaan marka la galayo, waxa laga hadlayo waa mustqabalka qaran dhan, howl ku carar ah ma aha, heer muuqaal ah hadii aanay ku socon waxay ku socdaan heer aan muuqaal ahayn, anagu waan ku rajo badannahay weli, wadahadalada meel horumar leh ayey soo gaadheen, hadda qaabka wada hadalka ayaa dib loo qaabeeyay, xoghayn joogta ah ayaa la sameeyay oo saldhigooda yahay Istanbul, wada hadalku wuu socdaa, orod iyo deg degsiimo naguma jirto” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan sheikh.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal kula jirta Somaliland, waxaana hore Labada dhinac ay u yeesheen kulamo arimo badan lagaga hadlay, balse lama hayo wax dhaafsiisan in labada dhinac is horfadhiistaan.

COMMENTS
LINKS