|
|||||
WAJAALE NEWS
Xageebay Maraysaa Siyaasada Gobolka Gabiley, Maxaase Uga Hagaagi Doona Wasiirada Ka Soo Jeeda Gobolka Dhaqdhaqaaqyada ay Wakhtigan Kawadaan,
November 7, 2014 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Wafti wasiiro ah oo uu Hogaaminayay Wasiirka Maaliyadu Oo Maanta safar ku tagay magaalada gabiley oo u jeedada safarkooda iyo waxyaalaha ay kala soo caraabeen Wafti wasiiro ah ayaa maanta galinkii danbe safar aan hore loosii shaacin ku tagay magaalada gabiley safarka oo u jeedadiisu ahayd sidii bulshada reer gabiley loogu qanci lahaa in ay marlabaad taageeran xusbiga kulmiye iyo xukuumadiisa Waftigan oo kakoobnaa wasiirka arimaha dibada wasiirka maaliyada wasiirka ganacsiga wasiirka warshadaha Qorshaha waftigam ayaa ahaa in ay la kulmaan madaxdhaqameedka gobolka oo xukuumda siilanyo meel adag iska taagay cadeeyay in xukuumada tahay mid wakhtigeedii dhamaaday gabileyna aan waxba u ool Kulankan ayaa noqday mid aan dhicin iyadoo wararku tibaaxeen in madaxdhaqameedku ka cudurdaarteen kulanka iyagoo ku tilmamay in aan xiligan reer gabiley diyaar u ahayn taageero xukuumada siilaanyo
Tan iyo intii ka dambeysay amar adag oo Madaxweyne Siilaanyo Kusoo rogay Golihiisa Wasiirada Shirkii ugu dambeeyay, ee Golaha ee khamiislaha ahaa taas oo Madaxwene Siilaanyo ku dirqiyay in ay soo xera galiyaan Xubnaha Golaha Wasiiradu beelaha ay kasoo jeedaan ayaa, waxa caqabad adagi ka taagan tahey dhinaca Gobolka Gabiley oo odoyaasha iyo Duqeyda kasoo jeedaa ay meel adag iska taageen Guud ahaanba Siyaasada marxaladan lagudo jiro iyo hogaanka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay waxba kasoo rayn waayeen in ay kasii darto mooyee Arimo badan oo ay ka tabaneen Xukuumada. Odhaah Soomaaliyeed oo inta badan loo Isticmaalo Tusaalaha ugu dambeeya,ee halka ay xaajadu taagan tahey ayaa aheyd meyd keebaa u dambeeyay,kaa lasii Sido,Duqeyda Odoyaasha,Madaxdhaqameedka,waxgaradka iyo Aqoonyhanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley ayaa, iska taagey meel adag Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaankiisaba kadib markii ay faro madhan ka joogsadeen balanqaadyo been ah oo Wasiirada kasoo jeeda Gobolka Gabiley in badan ku sabaaleeynayeen iyagoo,dhinaca kalena aad uga xumaadey sida loo weydeeyay dhacadadii dilka loogu geystey Taliyihii Abaanduulaha u ahaa Gt 17aad ee Ciidanka Qaranka ee lagu dilay Qorilugud,arintaas oo ay ka aamuseen afkana ka xidheen Wasiiro kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo ay Duqeyda iyo Madaxdhaqameedka Gobolku qaarkood si badheedh ah u taageereen xiligii lagu muransanaa Siyaasada Xisbiga Kulmiye dhexdeeda taas oo wakhtigan u muuqata biyo col dhaanshety maadaama, aanay arimaha Gobolka Gabiley kala soo gudboonaada dhinaca Xukuumada marnaba wax ka tareyn taageerada Bilaashka ah ee ay duqeydoodu la daba joogsadaan raga qaarkii wakhtiyada iyaga loo baahan yahey haseyeeshee, aan far cidieed la iskaga tirin sikasta oo ay wax u dhacaan waxaana guud ahaanba Dadweynaha Reer Gabiley aad ulawada fajacsan yihiin Wakhtigan xaadirka ah talaabooyinka Xukuumadu ka qaadatey xukunka lagu fuliyay ragii ku lugta lahaa Dilkii Sarkaal Maxamed Yuusuf Aw Rabaax ee ka dhacay Qorilugud,iyadoo ragna lagu dalacsiiyay qaarna Kooras loogu direy dalka Itoobiya, waxa ay ciidamada iyo dadka kasoo jeeda Gobolka Gabiley u arkeen talaabadaasi mid xiliga Xukuumadani isabadel weyni kuyimid Siyaasada Ciidanka Qaranka lagu hogaamiyo iyo istiraatijiyadao kale,iyadoo dhanka kalena Siweyn loo dareemay hadaladii quudhsiga ahaa, ee Wasiir Cadami ku cambaareynayay Madaxdhaqameedka Reer Gabiley kuwaas oo uu Wasaarad walba la galey, waxaana laga Xasuustaa hadaladiisa ‘dad aan hore loo aqoon ayaa Dowlada u hanjabaya oo odhanaya Ciidanka ayaanu badhkayaga kala baxeynaa’ jawaabtiisu dhinacyo badan ayay noqon kartaa laakiin Wasiir Cadami aqoona uma laha in Reer Gabiley door adag ku lahaayeen Qarameyntii Ciidamada Qaranka Somaliland,mana jiraan Wasiiro buddhig adag leh jawaabtiisa ka marin kara odhaahaha uu la hortagey Wasaarada Arimaha Gudaha iyo kuwa kale ee Madaxtooyadu kamid tahey. Sikastaba ha ahaatee,waxa ay wakhtigan dad badani isweydiinayaan ma usuurta gali doontaa, inWasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale mar kale sida xaynta u dareersado odoyaasha iyo Madaxdhaqameedka Reer Gabiley isagoo ku wasteynaya xaal mastuur af macaan, iyo uur daban, mise sutida ayay u qaban doonaan inta ay fikirkooda ku cabiraan aragti fog iyo si aan Mowqifkooda lagu badeli karin hantida umada ee ay xaqa u leeyihiin WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|